MAALIN KASTA WAAN KORAYAA WAXNA WAAN BARANAYAA
- Isii qadar yar (1 ilaa 2 qaado) oo dhowr cunto ah, xitaa kuwa aadan jeclayn.
- Isii cunto cusub oo ay la socoto cunto aan aqaano.
- Aan isticmaalo qaadadayda, farahayga, ama labadaba. Waxaan cuntada ku bartaa urinta, dhadhaminta, iyo taabashada.
- Haddii aan jeclayn cunto cusub isla markaaba, taasi waa caadi! Isii markale wakhti kale. Waxay qaadan kartaa 10 jeer ama ka badan ka hor inta aan go'aansan inaan isku dayo.
- Fadlan ha igu qasbin inaan wax cuno. Aan wax u cuno si iddayda ah – boobsiis ama tartiib.
- Waxaan u baahanahay nidaam joogto ah. Aanu wax isla cunno wakhti isku mid ah maalin kasta.
- Calooshaydu weli waa ay yar tahay, marka waxay gaajo iqabataa 2 ama 3 saacadoodba mar.
- Waxaa igu fiican 3 cunto (quraac, qado, casho) iyo 2 ama 3 cunto oo fudud.
- Waxaan kaliya u baahanay biyo u dhexeeyo raashinka iyo cuntada fudud..
- Wax ila cun. Barashada waxyaabo cusub waxay noqon kartaa mid cabsi leh. Waxaan kugu dareemaa ammaan waxaana si fiican wax ugu baran doonaa taageeradaada.
Waxaa halkan ku yaalla qaar ka mid ah tusaalooyinka sida cabbirrada qeybta cuntada iyo cuntooyinka fudud ay u ekaan karaan saxankayga dushiisa.
QURAACDA
¼ koob oo istarowbeeri cad-cad ah
½ koob oo ah caanaha naaska ama caanaha la qaso
½ cad, jarjran oo rootiga qamadiga baalkiisa wata ah oo duban
½ ukun karsan, oo la jarjaray
QADADA
½ moos dhexdhexaad ah, oo jarjaran
¼ koob oo digir cagaar karsan ah, oo la tumay
¼ koob makaroonida badarka baalkiisa wata ah iyo jiis
½ koob oo biyo ah
CUNTOOYINKA FUDUD
½ koob oo seeriyaal qalalan ah
2 ilaa 3 xabo oo ah buskutka badarka baalkiisa wata oo leh jiis
¼ koob oo kaarooto karsan ah, oo la tumay
biyo u dhexeeyo raashinka iyo cuntada fudud
CASHADA
¼ koob oo suugada tufaaxa ah
½ koob oo borokoollo karsan ah, oo jarjaran
1 burka qaloonka tortillaha oo dhexdhexaad ah, oo jarjaran
¼ koob oo digirta pinto ah oo karsan oo la shiiday
½ koob oo ah caanaha naaska ama caanaha la qaso
QADARADA KOOXDA CUNTADA EE MAALINLAHA AH EE LA SOO JEEDIYAY
MIRAHA
2 qaadasho maalinti
1 qaadasho = ½ Koob
(Wadarta 1 koob)
Miro karsan ama jilcan, cayriin ah
Tuman, cad-cad ah, ama la jarjaray
Sii midabo kala duwan: casaan, jaalle, oranji, buluug, iyo cagaar
KHUDAARTA
2 qaadasho maalinti
1 qaadasho = ½ Koob
(Wadarta 1 koob)
Khudaar karsan oo tuman, cad-cad ah, ama la jarjaray
Sii noocyo kala duwan: cagaar madow, oranji, casaan, jaalle, iyo basali
BADARKA
6 qaadasho maalinti
1 qaadasho = ½ wiqiyadood (15 garaam)
(Wadarta 3 wiqiyadood (90 garaam))
Cadad la qaadan karo
Rootiga badarka baalkiisa wata, burka tortilla, bariis, ama baasto
Seeriyaal qalalan ama karsan
BAROTIINADA
2 qaadasho maalinti
1 qaadasho = 1 wiqiyadood (30 garaam)
(Wadarta 2 wiqiyadood (60 garaam))
Hilib, hilib shinbiro, ama kalluun karsan, oo tuman
Ukumaha
Ukumo
Subagga lowska
CAANAHA
4 qaadasho maalinti
1 qaadasho = ½ Koob
(Wadarta 2 koob)
Caanaha naaska (kuwa naaska ama la lisay) ama caanaha la qaso
Yoogat
Jiis
EEG WAXA AAN SAMAYN KARO!
- Waxaan fahmaa wax badan oo ka mid ah waxa aad dhahdo. Wax ii akhri, ila hadal, oo ii hees si aan wax badan u barto!
- Waxaan jeclahay inaan ku daydo waxa aad samayso. Aan ku ciyaaro baaquli iyo qaado. Waxaan iska dhigi inaan cuntada u walaaqo sidaada oo kale.
- Waxaan weli baranayaa sida loo isticmaalo qaadada iyo koobka. Fadlan u dulqaado wasakhdayda.
- Waxaan u isticmaali karaa gacmahayga inaan ku rasteeyo bulukeetiyada, kubbad ku tuuro, oo ku riixo kuna soo jiido boombalada. Ila cayaar!
IGA DHIG QOF BADBAADSAN OO CAAFIMAAD QABA
Waxaan jeclahay inaan ordo, boodo, oo aan meel koro. I ilaali marka aan wax qabanayo si aan waxyeello isu gaarsiin.
Waxaan jecelahay inaan wax sahmiyo. Waxaan furaa albaabada iyo khaanadaha si aan u arko waxa gudaha ku jira. Ii ogolow inaan waxbarto, laakiin i ilaali.
Fadlan HA isiin cuntada igu margan karta sida lowska iswata, canabka iswata, iniinaha, hot dogs, ama nacnaca adag, oo ila fadhiiso inta aan wax cunayo.
Waxaan u baahanahay baaritaano caafimaad iyo tallaalo si aan u noqdo qof caafimaad qaba. Waa inaan booqdaa dhakhtar markaan jiro 18 bilood iyo 2 sano.
Haddii aan weli arag dhakhtarka ilkaha, ii qabo ballanta ugu horraysa. Waa in ilkaha la ii cadayo labo jeer maalinti. Weydii dhahtarkayga sida loo ilaaliyo caafimaadka ilkahayga.
Ila joog xilliga shaashadda oo ila macaamil. Xusuusnow inaad qorshayso wakhti badan oo aan shaashada lagu qaadanaynin maalintayda.