
WAXAAN AHAY SOCOD BARAD
Waxaan wax bartaa markaan wax isla cunno.
Waa kuwan qaar ka mid ah siyaabaha cuntada qoyska looga dhigi karo mid nasasho iyo raaxaysi leh:
- Ka naso shaashadaha iyo waxyaabaha kale ee ku mashquulinaya si aan diirada u saarno qoyska. Demi TV-yada, kombiyuutarada, iyo taleefoonada.
- Ii ogolow inaan isu adeego. Ibar inaan qadar yar qaato marka hore. Aan ogaado inaan wax badan qaadan karo haddii aan weli gaajaysanahay.
- Igala hadal mowduucyada wanaagsan ama dhexdhexaadka ah sida wixi aan sameeyay, cidda aan la hadlay, iyo waxa aan bartay maanta.
- Aan wax u cuno si xawligayga ah iyo qaabkayga. Fadlan ii dulqaado.
- Waxaan si wanaagsan wax ugu qabtaa jadwal iyo xuduud. Raashin iyo cunto fudud isii 2-3 saacadood kastaba mar oo ah wakhtiyo isku mid ah maalin kasta. Waxaan ugu fiicanahay marka aan haysto dookhyo. Tusaale ahaan, wakhtiga cuntada fudud waxaad i waydiin kartaa “ma waxaad jeceshahay miraha peaches ama istarowbeeri?”
- Biyo waa waxaan kaliya u baahanahay inta u dhaxaysa raashinka iyo cuntada fudud.
Ibar aadabta miiska.
- Isii xeerar fudud, oo cad oo ku habboon adiga iyo anigaba. Joogtee xeerarka si aan u garto waxa la filayo.
- Barashada wax cunistu waxay noqon kartaa mid qas leh, laakiin ha iga yeelin inaan si kas ah wax u qaso. Waa inaan tuurin cuntada ama aan ku daadin shamiitada. Haddii aan sameeyo waxyaabahaan, malaha gaajo ima hayso waana in la iiga cudur-daaro miiska.
QURAACDA
¼ koob oo miraha peaches ah oo jarjaran
½ koob oo caano oo dufanku ku yar yahay ah

1 cad, jarjran oo rootiga faransiiska qamadiga baalkiisa wata ah oo duban
QADADA
¼ koob oo buluu beeri oo jarjaran
½ koob oo kaarooto karsan ah, oo la tumay

¼ quesadilla
oo leh jiis
2 qaado oo digaaga duban, oo jarjaran ah
½ koob oo biyo ah
CUNTOOYINKA FUDUD
½ koob oo seeriyaal qalalan
ah oo leh ½ koob caano oo dufanku ku yar yahay
¼ koob oo cananaas tuman
ah oo ½ koob oo caano la fadhiisiyay ah oo dufanku ku yar yahay

½ koob oo barbarooni jarjaran ah
biyo u dhexeeyo raashinka iyo cuntada fudud
CASHADA
1 cad oo qare dhexdhexaad ah, oo la jarjaray
½ koob oo zucchini karsan ah, oo jarjaran
½ koob oo caano oo dufanku ku yar yahay ah

½ koob oo bariiska cas ah oo karsan
¼ koob oo digir madow ah oo karsan
QADARADA KOOXDA CUNTADA EE MAALINLAHA AH EE LA SOO JEEDIYAY
MIRAHA
2 qaadasho maalinti
1 qaadasho = ½ koob
(Wadarta 1 koob)
Miro karsan ama jilcan, cayriin ah
Tuman, cad-cad ah, ama la jarjaray
Sii midabo kala duwan: casaan, jaalle, oranji, buluug, iyo cagaar
KHUDAARTA
3 qaadasho maalinti
1 qaadasho = ½ koob
(Wadarta 1½ koob)
Khudaar cayriin ah ama karsan, tuman, cad-cad ah, ama la jarjaray
Sii noocyo kala duwan: cagaar madow, oranji, casaan, jaalle, iyo basali
BADARKA
6 qaadasho maalinti
1 qaadasho = ½ wiqiyadood (15 garaam)
(Wadarta 3 wiqiyadood (90 garaam))
Rootiga badarka baalkiisa wata, burka tortilla, bariis, baasto
Seeriyaal qalalan ama karsan
BAROTIINADA
2 qaadasho maalinti
1 qaadasho = 1 wiqiyadood (30 garaam)
(Wadarta 2 wiqiyadood (60 garaam))
Hilib, hilib shinbiro, ama kalluun karsan, oo tuman
Ukumaha
Digir karsan, misir, ama tofu
Subagga lowska
CAANAHA
4 qaadasho maalinti
1 qaadasho = ½ koob
(Wadarta 2 koob)
Caanaha dufanka yar leh
Yoogat
Jiis
EEG WAXA AAN SAMAYN KARO!
- Waan ordi karaa waana la ciyaari karaa dadka kale. Aan u wada jimicsano si wadajir ah 30-60 daqiiqo maalin kasta.
- Waxaan wax ka caawin karaa hawlaha fudud, sida meel dhigista alaabo-alaabayda. Fadlan ii sheeg inaan samaynayo shaqo fiican!
- Waxaan wax badan ka bartaa ciyaarta qaska ah. Waan isku qasi karaa, ka shubi karaa, walaaqi karaa, oo aan samayn karaa qaababka sawirada. Aan sahmiyo ciidda, dhoobada, iyo biyaha ciyaarta.
- Waxaan jeclahay inaan heeso. Ibar heeso fudud oo leh qaafiyad.
- Markaan wax isla akhrinayno waxaan bilaabi karaa inaan kaaga akhriyo ama sheeko aan kaaga sheego sawirada ku yaalla buugga.

EEG WAXA AAN SAMAYN KARO!
- Waan ordi karaa waana la ciyaari karaa dadka kale. Aan u wada jimicsano si wadajir ah 30-60 daqiiqo maalin kasta.
- Waxaan wax ka caawin karaa hawlaha fudud, sida meel dhigista alaabo-alaabayda. Fadlan ii sheeg inaan samaynayo shaqo fiican!
- Waxaan wax badan ka bartaa ciyaarta qaska ah. Waan isku qasi karaa, ka shubi karaa, walaaqi karaa, oo aan samayn karaa qaababka sawirada. Aan sahmiyo ciidda, dhoobada, iyo biyaha ciyaarta.
- Waxaan jeclahay inaan heeso. Ibar heeso fudud oo leh qaafiyad.
- Markaan wax isla akhrinayno waxaan bilaabi karaa inaan kaaga akhriyo ama sheeko aan kaaga sheego sawirada ku yaalla buugga.
IGA DHIG QOF BADBAADSAN OO CAAFIMAAD QABA
Iga fogee waxyaabaha waxyeellada leh sida weelasha kulul iyo bir-taawada, batariyada, daawooyinka, saabuunta, iyo wax kasta oo aan ku margan karo.
Iigee dhakhtarka ilkaha si uu ilkahayga u eego. Iga caawi inaan cadaydo ilkaha ugu yaraan labo jeer maalinti oo aan ku cadaydo burush yar, oo jilcan iyo marinta daawada lagu cadaydo. Ibar sida loo tufo daawada cadayga.
Waxaanu u baahanahay inaan gacmaha dhaqano marwalbo. Ibar sida gacmahayga loogu dhaqo biyo diiran iyo saabuun. Waxaan ubaahanahay inaan dhaqo ugu yaraan 20 ilbiriqsi.
Ila joog xilliga shaashadda oo ila macaamil. Xusuusnow inaad qorshayso wakhti badan oo aan shaashada lagu qaadanaynin maalintayda.