Tallooyinka UUR CAAFIMAAD QABA

Supergraphic green

HOOYADA QAALIGA AH,

Waxaad dhali rabtaa canug caafimaad qaba adigana sidoo kale ilaali caafimaadkaaga. Cunista cunto nafaqo leh iyo helista daryeelka aad u baahan tahay waa mid ka mid ah hadiyadaha ugu waaweyn ee aad siiso dhallaankaaga koraya.

WIC waxay kaa caawin kartaa:

Barashada Naasnuujinta
U samaynta doorashooyin cunto caafimaad leh adiga iyo qoyskaaga
Kuu gudbinta daryeelka caafimaadka iyo barnaamijyada kale ee bulshada
Barashada sida looga dhigo canugaaga mid caafimaad qaba oo badbaadsan
Iibsashada cuntooyin caafimaad leh

Tallooyinka ku qoran boggaan badel uma ahan talada dhakhtarka daryeelkaaga caafimaadka. Qoro su’aalaha aad weydiinayso ka hor inta aadan aadin baaritaanada dhalmada ka horreeya.

Marki aad booqato xafiiskaaga maxalliga ah ee WIC, waxaad wax badan ka baran kartaa cunto cunista caafimaadka qabta. Waxaan rajeyneynaa in aad ku raaxeysato dhammaan waxa WIC ay bixiso.

Salaan wacan,
Shaqaalahaaga WIC

HEL DARYEELKA DHALMADA KA HORREEYA

Daryeelka dhalmada ka horreeya waa daryeel caafimaad oo loogu talagalay haweenka xaamilada ah. Daryeel bixiye caafimaad ama kalkaaliso si gaar ah u tababaran ayaa hubinaya in adiga iyo canugaaga aad fiican tihiin.

Waxaad filan kartaa:

Hel daryeelka dhalmada ka horreeya isla marka aad u malayso in aad uur qaaday. Jadwalka kore waa hage; waa muhiim inaad tagto dhammaan ballamaha lagu taliyay.  Waxaad wax badan ka ogaan kartaa canugaaga iyo sida jirkaaga uu isu beddelayo.

Haddii aad rabto in lagaa caawiyo bixinta daryeelka dhalmada ka horreeya, booqo one.oregon.gov si aad uga hesho xog xog ku saabsan Oregon Health Plan ama 211 barta 211info.org.

U DOOR CUNTO CAAFIMAAD QABTA ADIGA IYO CANUGAAGA

Canugaagu waxa uu si fiican u korayaa marka aad cunto caafimaad qabta cunto. Cuntooyin kala duwan ka dooro dhammaan 5-ta kooxood ee cuntada maalin kasta.

Si aad u hesho qorshe ku aadan cuntada maalinlaha ah ee shakhsi ahaaneed, booqo www.myplate.gov

TUSAALAHA LIISKA CUNTADA

Adiga iyo dhallaankaaga aad baad u wanaagsanaanaysaan marka aad cuntaan cuntooyinka caadiga ah iyo cuntooyinka fudud. Waa kan tusaale liis cunto adigoo isticmaalaya cuntooyinka aad ku iibsan karto dheefahaaga WIC.

Waxaa halkaan ku yaalla qaar ka mid ah tusaalooyinka sida cabbirrada qeybta cuntada iyo cuntooyinka fudud ay u ekaan karaan saxankaaga dushiisa.

QURAACDA

½ koob oo buluu beeri ah

1 koob oo biyo ah

Plate of breakfast meal

½ koob oo boorash karsan ah

1 ukun karsan, shiilan

QADADA

½ koob oo madaxyada borokooli karsan

1 koob oo biyo ah

Plate of lunch meal

1 wiqiyadood (30 garaam) oo rooti galley ah

½ koob oo suugo yaanyo ah

iyo ¼ koob digirta tuutaysan iyo ¼ koob oo digirta cas ah

FIKRADAHA CUNTADA FUDUD

1 koob 100% biyo oranji shiidan ah

1 koob oo qare la jarjaray ah

½ koob oo caano la fadhiisiyay ah oo dufanku ku yar yahay

5 ama 6 buskutka laga sameeyay badarka qolofkiisa wata

Snaks-ideas

3 ama 4 cad oo jiis ah

½ koob oo qajaar jarjaran ah oo leh 1 qaado oo suugo ah

biyo u dhexeeyo raashinka iyo cuntada fudud

CASHADA

1 koob oo saladhka cagaaran ah, oo mushakal ah oo leh ¼ koob oo yaanyo ah

leh ½ ukun adag oo la kariyey oo leh 1 qaado oo suugo ah

½ koob oo kaarooto karsan, oo la jarjaray

Plate of dinner meal

1 koob oo bariiska cas ah oo karsan

oo leh 3 wiqiyadood (90 garaam) oo hilib digaag la dubay, oo jarjaran

1 koob oo caano dufan la’aan ah ama 1% dufan ah

CUNTOOYINKA FUDUD: DHADHAN LEH, CAAFIMAAD QABA OO SAHLAN

Ku dadaal 2-3 cunto oo fudud maalin kasta. Isku day cunto fudud oo caafimaad leh adigoo kasoo kala dooranayo ugu yaraan labo kooxood oo cunto. Cuntooyinkan fudud ee dheellitiran ayaa kaa dhigi doona mid dharagsan.

TUSAALE: Burka Pita + Qajaar + Suugada Hummus

ROOTI, SEERIYAAL, AMA BADARKA KALE

MIRO AMA KHUDAAR

Apple meal

CAANAHA AMA BOROTIINKA

TALLOOYINKA MAQAAYADDA CUNTADA DEGDEGGA AH

Ma mashquulsan tahay? Weydii cuntooyinkaan degdegga ah:

Burger with vegetable wrap instead of bun

TALLOOYINKA BADQABKA CUNTADA

Hand washing with water and soap

Gacmaha ku dhaq saabuun iyo biyo ka hor inta aadan cunin ama aadan diyaarin cuntada

Washing fresh vegetables under running water

Khudaarta iyo miraha ku dhaq biyo ka hor inta aadan cunin ama aadan karin.

Meat thermometer inserted into cooked chicken

Kari hilibka lo'da, doofaarka, digaaga, shinbirta turki, kalluunka, iyo cuntooyinka badda ilaa heer wanaagsan oo lagu cuni karo.

Bread with meat filling

Kulayli ilaa uumi ka yimaado ka hor inta aadan cunin hot dogs (hilibka iyo khudaarta la isku duubay), hilibka qabow ee jarjaran, iyo hilibka deli sida hilibka bologna, salami, ama hilinka ham.

Cooked fish fillet

Weydii shaqaalaha WIC ama dhakhtarka daryeelkaaga caafimaadka kalluunka badbaadada ah iyo qadarada lagu taliyay in la cuno xilliga uurka.
Wax badan ka ogoow sida doorashooyin kalluun caafimaad leh loogu sameeyo adiga iyo qoyskaaga adigoo eegaya Hagaha Kalluunka iyo Cuntada Badda.

HA CUNIN CUNTOOYINKA QAAR.

Cuntooyinka qaar ma ahan kuwo badbaado u ah adiga iyo canugaaga marka aad xaamilada tahay. Ha cunin:

Weydii dhakhtarka daryeelkaaga caafimaadka ka hor inta aadan qaadan daawo dhireedka ama aadan cabin shaaha daawo dhireedka; waxaa laga yaabaa in aanay badbaado u ahayn canugaaga.

QAADO FIITAMIINO DHALMADA KA HOR

Fitamiinada dhalmada ka hor ah waxaa ku jira ayroon dheeraad ah iyo foolik aysiidh oo ka caawiya canugaaga inuu koro. Hubi si aad u aragto in fitamiinkaaga dhalmada ka hor ah uu leeyahay ugu yaraan 150 mcg oo aayodhiin ah. Haddii fiitamiinka aad qaadato dhalmada ka hor  uusan ku jirin qadarkan aayodhiinta ah, la hadal dhakhtarka daryeelkaaga caafimaadka.

Ha qaadan fitamiino kale ilaa uu kuu qoro dhakhtarka daryeelkaaga caafimaadka.

QAADO FOLIK AYSIIDH MAALIN KASTA

Folik aysiidh waa fitamiin uu unug kasta oo jirkaaga ka mid ah uu u baahan yahay. Feetamiinkaan waxa uu kaa ilaalin karaa wadno-xanuunka, istaroogga, iyo kansarka. Xilliga uurka, waxa uu canugaaga aan dhalan ka ilaaliyaa cilladaha lagu dhasho ee laf dhabarta iyo maskaxda kuwaas oo soo baxa xilli hore uurka. Waxaa lagu talinayaa in aad maalin kasta qaadato ugu yaraan 400 mikrogaraam (mcg).

Hubi waxyaabaha ku qoran nafaqada si aad maalin kasta u hesho folik aysiidh kugu filan.

Cun cuntooyinka leh folik aysiidh xitaa haddii aad qaadato kaniini fitamiin ah ama aad cunto seeriyaal la xoojiyay.

KAWARAN AYROONKA?

Xilliga uurka, jirkaagu waxa uu ubaahan yahay ayroon badan si ay u ilaaliso caafimaadkaaga kana caawiso canugaaga inuu koro. Qaadasho la’aanta ayroon kugu filan waxay kaa dhigi kartaa mid tabar daran oo daalan.

Haddii fitamiinka aad qaadato aysan ku jirin ayroon kugu filan, dhakhtarka daryeekaaga caafimaadka ayaa kugula talin kara bir kaalmaati ah si aad sidoo kale u qaadato.

Isku day in aad qaadato cuntooyinkaan ayroonka hodanka ku ah:

Isku dhaf cuntooyinka hodanka ku ah ayroonka iyo cuntooyinka uu ku badan yahay Fitamiinka C. Isku cunista cuntadaan waxay jirkaaga ka caawisaa inuu bir badan kasoo nuugo cuntada aad cunto.

Ilaha wanaagsan ee Fitamiinka C waxaa ka mid ah:

ILAALI CAAFIMAADKA ILKAHAAGA

Haweenka uurka leh waxay maraan isbeddelo hoormoon oo saameyn ku yeelan kara caafimaadka afkooda.

Si aad u ilaaliso caafimaadka ilkahaaga iyo ciridkaaga, xaqiiji:

Isticmaal burush ilko jilicsan leh. Tartiib u cadayo. Haddi ciridkaaga uu dhiigo marka aad cadaysato ama dunta ku findhicilato, u sheeg dhakhtarka daryeelkaaga caafimaadka.

NOQO MID U FIRFIRCOON JIR CAAFIMAAD QABA

Jirkaagu waxa uu taam noqonayaa marka aad dhaqdhaqaaqdo. Haddii dhakhtarka daryeelkaaga caafimaadka uu dhaho waa caadi, jimicsi samee. Socodka, iskala bixinta, iyo dabbaasha ayaa ah dhowr siyaabood oo wanaagsan.

In aad noqoto qof firfircoon waxay kaa caawin doontaa:

Raadi waqti aan ku jimicsato 30 daqiiqo maalmaha badankooda ama maalmaha oo dhan ee toddobaadka. Waxaad waqtiga u kala qeybin kartaa sidan:

Soco 10 daqiiqo subixi

plus-icon

Soco 10 daqiiqo galabti

plus-icon

Soco 10 daqiiqo fiidki

equal-icon

30 daqiiqo

KORDHINTA MIISAANKA

Qadarka miisaanka ay tahay in aad kordhiso waxay ku xiran tahay miisaankaaga uurka ka hor. Weydii dhakhtarka daryeelkaaga caafimaadka, kalkaaliso, ama shaqaalaha WIC si aad uga hesho garaafka miisaanka si aad ula socota horumarkaaga.

Miisaankaaga Uurka Kahor

Miisaan Yar
(BMI ka yar 18.5)

Miisaan Caafimaad Ah
(BMI 18.5-24.9)

Miisaan Badan
(BMI 25-29.9)

Cayil
(BMI ka badan ama la'eg 30)

Miisaan Kordhinta Caafimaadka Ah Xilliga Uurkaaga

28-40 rodol
(12.7-18.1 kiilo)

25-35 rodol
(11.3-15.9 kiilo)

15-25 rodol
(6.8-11.3 kiilo)

11-20 rodol
(5.0-11.3 kiilo)

Kordhinta miisaanka xilliga uurka waxay ka caawisaa canugaaga inuu koro. Miisaanka saddexda bilood ee ugu horreeya waa inuu noqdaa 1-4 rodol (0.45-1.81 kiilo). Laga bilaabo bisha 4aad, waxaad kordhin kartaa qiyaasti nus (½) (0.23 kiilo) ilaa hal (1) (0.45 kiilo) rodol toddobaadki.

Si aad u joogtayso miisaan kordhin tartiib ah:

battery
Wax cun marka aad gaajo dareento
learntomake
Dooro cuntooyin caafimaad qaba in aad cunto
glass
Cab biyo
shoes
Noqo qof firfircoon adigoo soc-soconayo

Haddii aad ka walaacsan tahay kordhinta miisaankaaga in uu aad u yar yahay ama aad u badan yahay, la hadal dhakhtarka daryeelkaaga caafimaadka ama shaqaalaha WIC.

Haddii aad filanayso mataano, saddex canug, ama ka badan, kala hadal dhakhtarka daryeelkaaga caafimaadka ama shaqaalaha WIC wixi ku saabsan kordhinta miisaanka ee kugu habboon.

KA DHIG CANUGAAGA MID BADBAADSAN OO CAAFIMAAD QABA

Waxaa lagu talinayaa in aad iska ilaaliso tubaakada, nikotiinka, Khamrada (biirta, khamriga, aalkolada, ama cabitaanada la isku qasay), marijuwaanada, iyo daroogooyinka sharci-darrada ah xilliga uurka. Mid kasta oo ka mid ah badeecadahaan waxay si xun u saamayn karaan caafimaadkaaga iyo caafimaadka canugaaga.

Waan ognahay in ay noqon karto mid adag in la joojiyo ama la yareeyo isticmaalka tubaakada, nikotiinka, khamrada, marijuwaanada, iyo daroogooyinka sharci-darrada.

Haddii aad ku dhibaatoonayso in aad joojiso ama isticmaalka yarayso, waxaa jira kheyraad laguu heli karo.

Keligaa ma tihid.

Waxaan halkaan u joognaa in aan ku caawino.

Si aad u hesho taageerada joojinta tubaakada ama isticmaalka nikotiinta, oo ay ku jiraan tababar bilaash ah, qorshe joojin oo bilaash ah, iyo agab waxbarasho oo bilaash ah booqo www.quitnow.net.

Si aad u hesho taageerada joojinta khamrada, marijuwaanada, ama isticmaalka daroogada kale ee sharci-darrada ah la xiriir dhakhtarka daryeelkaaga caafimaadka ama booqo www.findtreatment.gov.

Weydii dhakhtarka daryeelkaaga caafimaadka ka hor inta aadan qaadan daawo si aad u xaqiijiso in ay badbaado u tahay canugaaga.

red bottom image shape

XANUUNADA XILIGA UURKA

Jirkaagu waa uu isbeddelayaa marka aad uurka tahay. Waxaad ka xanuunsan kartaa calooshaada 3-da ama 4-ta bilood ee ugu horreeya. Urta iyo cuntooyinka qaar ayaa kugu keeni kara inuu matag kusoo qaado.

Haddii aad jirrato… (wallaca):

“Wallaca” waxa uu dhici karaa waqti kasta oo ka mid ah maalinta.

Xitaa haddii aad jirrato, weli waxaad u baahan tahay cunto iyo sharaab. Haddii aad soo matagayso wixi aad cunto, wac dhakhtarka daryeelkaaga caafimaadka.

Hadba marka uu canugaaga sii koro, waxaa laga yaabaa in aad calool xanuun ka qaado marka aad wax cunto. Waxaa adkaan karta in ay calooshaada socoto. La hadal dhakhtarka daryeelkaaga caafimaadka haddii ay kugu dhacaan dhibaatooyinkaan. Ha qaadan daawo ilaa uu kugula taliyo dhakhtarka daryeelkaaga caafimaadka. Waa kuwaan xoogaa talooyin ah:

HADDII AAD QABTO LAABJEEX…(XANUUNKA LAABTA):
HADDII AY CALOOSHA KU TAAGAN TAHAY… (AADAN SAXAROON KARIN):

CANUGAAGA SII BILOWGA UGU WANAAGSAN – NAASNUUJI!

Caanaha naaska ayaa ah waxa kaliya ee canugaagu u baahan yahay 6-da bilood ee ugu horeysa noloshiisa. Caanahaagu waxay ka kooban yihiin nafaqada saxda ah ee qadarka saxda ah si aad canugaaga u siiso bilowga ugu caafimaadka badan nolosha. Naasnuujinta sidoo kale waa ay kuu wanaagsan tahay adiga.

Naasnuujintu waxay ilaalisaa caafimaadka canugaaga.

Ilmaha la naasnuujiyo waxaa yar in uu ku dhaco:

Naasnuujinta sidoo kale waxay u wanaagsan tahay hooyada.

Naasnuujinta waxay kaa caawinaysaa:

Hooyooyinka Naasnuujinaya Waxay dheheen…
white curved design at the bottom

XAQIIQOOYINKA NAASNUUJINTA

Hooyooyin badan waxay qabaan su’aalo ku saabsan naasnuujinta. Kala hadal shaqaalaha WIC wixi ku saabsan walaacyo kasta oo naasnuujinta ah oo laga yaabo in aad qabto.

Si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan naasnuujinta, booqo wicbreastfeeding.fns.usda.gov

breastfeed with our baby

QORSHAHAYGA NAASNUUJINTA EE ISBITAALKA

U sheeg kalkaaliyayaashaada iyo dhakhtarka daryeelka caafimaadka in yoolkaagu yahay in aad naaska kaliya nuujiso canugaaga. Ka codso in ay raacaan tilmaamahaan ilaa iyo inta ay caafimaad ahaan badbaado u yihiin canugaaga iyo adigaba.

Naasnuujin Kaliya Fadlan canugayga ha siinina wax caanaha la qaso ah, biyo, ama biyo gulukoos ka hor inta aydaan la hadlin saygayga ama aniga.

Bamka Lagu Liso Caanaha Naaska Haddii canugayga uu awoodi waayo inuu nuugo naaska ama ay nakala fogeeyaan sababo caafimaad, waxaan rabaa in aan isticmaalo bamka lagu liso caanaha naaska sida ugu dhakhsaha badan. Haddii aan u baahanahay in aan iska liso caanaha wax ka badan muddada joogitaanka isbitaalka, fadlan i xasuusiya in aan la xiriiro caymiskayga ama xafiiska maxalliga ah ee WIC.

Istaabsiinta Maqaarka Fadlan canugayga si toos ah laabta iigu saara kadib marka aan dhalo ugu yaraan hal saac si uu naaska u qabsado marki ugu horraysay. Inta aan joogo, waxaan rabaa canugayga in aan laabta ugu hayo jir-ka-jir ilaa inti suurtagal ah.

Ma Oggoli Masaasado ama Mujurucyo Fadlan canugayga ha siinina ibta macmalka ah. Tani waxaa ka mid ah mujurucyada ama nooc kasta oo masaasad ah.

Taageerada Naasnuujinta Fadlan iga caawiya in aan barbarto hal qol ku wada jirka aniga iyo canugayga si aan u nuujiyo markii loo baahdo una barto tilmaamaha quudinta canugga dhawaan dhashay.

Bacaha Guriga Loo Qaato – Fadlan ha noo sii dhiibina wax caanaha la qaso ah ama xog ku saabsan caanaha la qaso ee guriga marka aan ka baxayno isbitaalka. Taa beddelkeeda, fadlan i xasuusiya in aan canugayga siinayo nafaqada ugu wanaagsan aniga oo dooranaya in aan naasnuujiyo.

WAQTI U YEEL NAFTAADA

Ilmo dhalistu waa shaqo adag! Mararka qaar waxaa laga yaabaa in aad dareento daal, dareen kacsan, iyo xanaaq. Waxaa xitaa laga yabaa in aad murugo dareento. Raadi wakhti aad ku nasato oo nasiino qaado. Haddii aad dareento in lagaa qaalib noqday, codso caawimo.

Caawimo ka codso qoyska iyo saaxiibada.

La hadal dhakhtarka daryeelkaaga caafimaadka.

Khadka Caawimada Caalamiga ah ee Taageerada Dhalmada Kadib ah Ka Wac 1-800-944-4773, booqo www.postpartum.net, ama qoraal u dir 800-944-4773 (Ingiriisi) ama 971-203-7773 (Isbaanish).

Si aad naftaada xoogaa jacayl ah ugu muujiso:

Haddii ay kugu dhashaan fikrado in aad waxyeellayso naftaada ama canugaaga, raadso caawin degdeg ah.

Wac 1-800-273-8255 si aad u hesho taageero shucuureed oo bilaash ah qarsoodina ah 24 saac ee maalintii, 7 maalmood todobaadki.

Wixii kaalmo dheeraad ah, kala xiriir La taliyahaaga Naasnuujinta ee WIC ama Khabiirka Qaabilsan Naasnuujinta ee WIC si aad u weydiiso wixii su’aalo ah oo ku saabsan naasnuujinta.