WAXAAN DAREEMAA SHARAF MARKA AAN WAX DOORTO
- Waan cuni karaa waxa dadka kale ay cunaan. Ma u baahnid inaad wax gaar ah ii samayso.
- Ii ogolow inaan go'aansado waxa aan ka cuni doono cuntada aad isiiso.
- Dookh isii marki ay suurtagal tahay. Iwaydii, “ma waxaad doonaysaa misir ama kaarooto inaad cashada ku cunto?” ama “Ma waxaad jeceshahay cadadka tufaaxa casaanka ama cagaarka?”.
- Isii cuntooyin kala duwan, xitaa kuwa aadan adiga jeclayn. Aan isku dayo si aan u arko inaan jeclahay.
- Haddii aan jeclayn cunto cusub isla markaaba, taasi waa iska caadi! Isii markale wakhti kale. Waxay qaadan kartaa 10 jeer ama ka badan ka hor inta aan go'aansan inaan isku dayo.
- Jadwalkaygu waa muhiim. Aanu isku dayno inaan wax isla cunno wakhti isku mid ah maalin kasta.
- Haddii aan rabin inaan wax ka cuno raashinka ama cuntada fudud, ii sheeg in aan heli doono fursad kale oo aan wax ka cuno raashinka ama cuntada fudud wakhtiga xiga.
- Xusuusnow waxaan kaliya u baahanay biyo u dhexeeyo raashinka iyo cuntada fudud.
- Waxaan wax ku bartaa anigoo ku daawanayo adiga. Fadhiiso oo cun isla cuntada aad isiiso.
- Waxaad ibartaa inaan qayb ka ahayn qoyska. Waxaan wax ka caawin karaa tirtiridda miiska iyo jarjarista kabashka ama cagaarada si looga diyaariyo saladh.
Waxaa halkan ku yaalla qaar ka mid ah tusaalooyinka sida cabbirrada qeybta cuntada iyo cuntooyinka fudud ay u ekaan karaan saxankayga dushiisa.
QURAACDA
¼ koob oo rasbeeri cad-cad ah
½ koob oo caano la fadhiisiyay ah oo dufanku ku yar yahay
½ cad, jarjran oo rootiga faransiiska qamadiga baalkiisa wata ah oo duban
½ koob oo biyo ah
QADADA
¼ koob oo kiwi jarjaran ah
½ koob oo ah bataati karsan, oo la shiiday
1 cad oo rootiga badarka baalkiisa wata ah
oo leh 1 qaado oo subagga lawska ah oo lagu fidiyay
½ koob oo caano oo dufanku ku yar yahay ah
CUNTOOYINKA FUDUD
½ koob oo seeriyaal qalalan ah
½ koob oo kaarooto karsan ah, oo la tumay
½ koob oo miro guduud jarjaran ah
1 ul oo jiis dufan yar leh ah, afar cad dherer ahaan loo kala jaray
biyo u dhexeeyo raashinka iyo cuntada fudud
CASHADA
½ koob oo eggplant duban ah
½ koob oo caano oo dufanku ku yar yahay ah
½ koob oo yaanyo karsan, oo jarjaran
oo leh ½ koob oo baastada badarka baalkiisa wata ah oo karsan
oo leh 2 qaado oo digaaga duban, oo jarjaran ah
QADARADA KOOXDA CUNTADA EE MAALINLAHA AH EE LA SOO JEEDIYAY
MIRAHA
2 qaadasho maalinti
1 qaadasho = ½ koob
(Wadarta 1 koob)
Miro karsan ama jilcan, cayriin ah
Tuman, cad-cad ah, ama la jarjaray
Sii midabo kala duwan: casaan, jaalle, oranji, buluug, iyo cagaar
KHUDAARTA
3 qaadasho maalinti
1 qaadasho = ½ koob
(Wadarta 1½ koob)
Khudaar cayriin ah ama karsan, tuman, cad-cad ah, ama la jarjaray
Sii noocyo kala duwan: cagaar madow, oranji, casaan, jaalle, iyo basali
BADARKA
6 qaadasho maalinti
1 qaadasho = ½ wiqiyadood (15 garaam)
(Wadarta 3 wiqiyadood (90 garaam))
Rootiga badarka baalkiisa wata, burka tortilla, bariis, ama baasto
Seeriyaal qalalan ama karsan
BAROTIINADA
2 qaadasho maalinti
1 qaadasho = 1 wiqiyadood (30 garaam)
(Wadarta 2 wiqiyadood (60 garaam))
Hilib, hilib shinbiro, ama kalluun karsan, oo tuman
Ukumaha
Digir karsan, misir, ama tofu
Subagga lowska
CAANAHA
4 qaadasho maalinti
1 qaadasho = ½ koob
(Wadarta 2 koob)
Caanaha dufanka yar leh
Yoogat
Jiis
EEG WAXA AAN SAMAYN KARO!
- Waxaan isku quudin karaa qaado ama fargeeto, laakiin weli waxaan isticmaalaa fartayda.
- Iga caawi inaan dhaqo gacmahayga kahor inta aan wax cunin.
- Waxaan awoodaa inaan ordo, boodo, oo aan meel koro. Aan u wada jimicsano si wadajir ah!
- Waxaan kaa bartaa ereyo cusub. Ibar magacyada iyo midabada cuntooyinka iyo sheeyaasha kale. Weli waan jeclahay marka aad wax ii akhriso.
IGA DHIG QOF BADBAADSAN OO CAAFIMAAD QABA
Maadaama aan hadda jiro 2 sano, waxaa la joogaa wakhtigi aan u wareegi lahaa caano, jiis, iyo yoogat leh dufan yar.
Weli waxaan baranayaa inaan cuntada u ruugo si fiican. Fadlan HA isiin cuntada igu margan karta sida lowska iswata, canabka iswata, iniinaha, hot dogs, ama nacnaca adag, oo ila fadhiiso inta aan wax cunayo.
Iga caawi inaan cadaydo ilkaha ugu yaraan labo jeer maalinti oo aan ku cadaydo burush yar, oo jilcan iyo marinta daawada lagu cadaydo.
Ila joog xilliga shaashadda oo ila macaamil. Xusuusnow inaad qorshayso wakhti badan oo aan shaashada lagu qaadanaynin maalintayda.