AABAHA QAALIGA AHOW,
Waxaad kaalin muhiim ah ka qaadataa koriinka jirka iyo maskaxda ee canuggaaga.
Inaad si fifircoon ugu lug yeelato nolosha canugaagu waxay keenaysaa farqi weyn haddii aad maalin walba aragto ama guri kale aad ku nooshahay.
Tayada wakhtigaaga aad la qaadanayso canugaagu waxay ka muhiimsan tahay tirada saacadaha aad la joogto. Tayada xiriirka kaala dhexeeya waxay si toos ah u saamaynaysaa dareenka canugaaga ee ah inuu qiime leeyahay.
Caruurta ku korta aabe ku taxaluqa waxay:
39%
2x
Ha isla barbardhigin aabahaa ama aabeyaasha kale ee kaa agdhow. WAXAAD tahay qofka wiilkaagu fiirsanayo!
IGA CAAWI INAAN WAXBARTO
Carruurtu waxay wax ku bartaan ayaga oo eeganaya waalidiintooda. Carruurta aabahood mar kasta ku taxaluqo waxbarashadooda maalinlaha ah waxay u dhowyihiin inay:
Waalidku waa macalinka koowaad ee canugga. Waxaa dhici karta in aadan ogayn, laakiin waxaad wax ku baraysaa canugaaga waxyaabaha yaryar ee aad maalin walba samayso.
Waxaad canugaaga ka caawin kartaa siduu wax u baran lahaa adiga oo:
- Kala hadlaya dunida ku hareeraysan inta aad wadato maalintaada.
- Tilmaamaya oona sheegaya midabada, codadka xayawaanka, xarfaha, iyo tirooyinka aad aragto oo aadna maqasho.
- Isla joogista howlaha maalinlaha ah sida wax isla cunista, ku cayaarista banaanka, wax akhrinta, ama daawashada telefishinka. Yaree wakhtiga daawashada si aad idinku isugu mashquushaan.
Inaad canugaaga la joogto waxay ka caawinaysaa inuu dareemo degenaansho iyo farxad, haddii ay ahaan lahayd wakhti aad wada cayaartaan ama wax isla akhrisaan.
Caruurta ku korta aabe ku taxaluqa waxay 60% ay yar tahay in dugsiga laga eryo ama laga joojiyo.
WAKHTIGA CAYAARTA
Inaad canugaaga firfircooni siisaa waxay ka caawinaysaa adkaanshaha lafahiisa, dhismaha murqihiisa, waxayna ka caawinaysaa kobaca maskaxda.
Waa kuwaan dhowr waxyaabood oo cayaar ah oo aad canugaaga la samayn karto:
- La cayaar cayaaraha dhaqdhaqaaqa leh sida dhuumacshaalowga, ciyaarta taabashada, “Simon Says”, ama baratama.
- Baaskiilka isla kexeeya.
- Sameeya tuurista ama laadista kubadaha.
- Aada jardiinada oo ku cayaara cayaaraha garoomada.
- Carruurtu waxay u baahan yihiin 60 daqiiqo oo cayaar jimicsi ah maalin walba.
Carruurtu waxay wax bartaan marka ay cayaaraan. Aabayaashu waxay leeyihiin qaab ciyaareed ka duwan kan hooyooyinka, taasina waa caadi!
AAABAYAASHU WAXAY DHIIRIGALIYAAN CAYAARTA JIRKA AH TAASOO CARRUURTA BARTA SIDA:
AANU WAX ISLA CUNO
In caruurta yaryar cunto la siiyaa waa shaqo adag. Inaad miiska cuntada kula biirto ayaa fudud. In aabuhu joogo xilliga cuntadu waxay muhiim u tahay canugaaga.
Xilliga cuntadu waa xilli wanaagsan oo aad wax uga baran karto canugaaga. Wax ka weydii canugaaga maalintiisa, saaxiibadiis, iyo dareenkiisa. Arrintani waxay canugaaga u muujinaysaa inaad ka taxadarayso uuna muhiim u yahay wakhtigaaga iyo dareenkaaga.
Waa kuwaan waxyaabo aad samayn karto si aad xasuuso ugu reebto xilliga cuuntada.
Wax u wada cuna qoys ahaan.
Carruurtu ha ku caawiyaan. Waxay awoodaan inay wax dhaqaan, cabiraan, iskudaraan, ayna walaaqaan waxyaabaha cuntada ku jira.
U ahow tusaale ay ku daydaan! Cun isla cuntada caafimaadka leh ee aad canugaaga siiso.
Badal goobta aad cuntada ku cuntaan adinka oo banaanka ku cunaya, dalxiis aadaya, ama miiska kafeega kaasoo leh suufka kuraasta.
Dami oo qari shaashadaha la daawado si aad ugu dhiirigaliso inaad wadasheekaysataan xilliga cuntada.
2X
ka hooseeyaan inay qaadaan cayilka faraha badan.
ILAALI ILKAHAAS CUSUB EE DHALAALAYA
Caafimaadka ilkuhu wuxuu muhiim u yahay si lamid ah kan jirka. Ku dadaal ilaalinta caafimaadka ilkaha canugaaga.
- Laba jeer u caday ilkaha maalinti. Weydii bixiyaha daryeelka caafimaadka canugaaga ama dhakhtarka ilkaha nooca daawada cadayga ee aad isticmaalayso.
- Bilow jadwalka subaxdii iyo habeenkii ee adiga iyo canugaaga adinka oo ilkaha wada cadayanaya. Arrintani asaga dheeldheel ayay u tahay wuxuuna arkayaa sida ilkaha loo cadaydo islamarkaas.
- Sii biyaha kaliya inta u dhaxaysa cuntada iyo nusasaacaha. Canugaagu uma baahna cabitaanka macaan sida soodhada iyo Kool-Aid. Xaddid cadadka cabitaanka canugaagu cabo maalintii.
CAAFIMAADKA IYO BADQABKA
Marka canugu socodka bilaabo, wuxuu u muuqanayaa inuusan joogsanayn. Canugaagu wuxuu maalin walba baranayaa waxyaabo cusub. Tani waxay lamicno tahay inaad u baahanayso inaad amaankiisa ilaaliso.
- U xir koofiyad canugaaga marka uu bilaabo kaxaynta baaskiilka ama gaariga carruurta. Noqo tusaale wanaagsan oo adiguna xiro koofiyadda sidoo kale!
- Mar walba la joog canugaaga marka uu ku jiro ama uu u dhowyahay biyaha, sida qabayska, baraagta, ama harada. Si dhow ula soco canugaaga si aad u badbaadiso marka uu biyo ka agdhow yahay.
- Hubi in canugaaga ay u dhamaystiran yihiin dhammaanba tallaaladii loogu tala galay. Wac dhakhtarkaaga haddii aadan hubin tallaalada canugaagu u baahan yahay.
Si dhow ula soco canugaaga si aad u badbaadiso marka uu biyo ka agdhow yahay.
KURAASTA GAWAARIDA
American Academy of Pediatrics wuxuu ku talinayaa in kuraasta gawaarida kaliya loo isticmaali karo ujeedooyin safar oo kaliya. Waxaa lagu talinayaa inaad ilmaha ka saarto kursiga gaariga marka aad meeshaad u socotay soo gaarto, khaasatan hadii uu hurdo.
- Isticmaal kursiga gaariga safar walba, adiga oo aan u eegayn dhawaanta masaafada.
- Isticmaal kursiga gaariga adiga oo ku salaynaya cabbirka iyo da'da canugaaga. Waxaad inta badan macluumaadkaan ka heli kartaa kursiga laftiisa.
- Inta canugaagu korayo, goobaha, booska, iyo nooca gaariga ayaa loo baahanayaa in la badalo.
- Baro sida si sax ah loogu rakibto kursiga gaariga. Suunka u xir ilmahaaga socod baradka ah ama canugaaga islamarkiiba.
– Suumanku waa inay noqdaan kuwo dabacsan.
– Dhinaca la jiidayo waa inuu gaaraa cabirka kilkisha.
– Kursiga gaariga laftiisu waa inuu wax yar dhaqdhaqaaqaa marka hadba dhinac loo riixo.
Ku hay canugaaga kursiga gaariga ee gadaal usii jeeda ilaa uu ka gaarayo ugu yaraan 2 sanno jir. Hakula degdegin inaad usoo wareejiso kursiga gaariga ee horey ujeeda ama kursiga kor usoo qaadaya xataa haddii aad wadato canug ballaaran.
Marna carruurta ha ku fariisin bacda hawada horteeda. Bacaha hawadu waxay dili karaan caruurta yaryar ee fadhida kursiga hore. Marna kursiga gaariga ee gadaal u jeeda ha dhigin bacda hawada horteeda.
ILAHA AABONIMADA
Ka eeg barnaamijyada hindisaha aabonimada barnaamijka Head Start (Garab Qabashada) ee deegaankaaga ama nidaamka dugsiga.