
HAGAHA QUUDINTA DHALLAANKA
- Guriga
- Dhallaanka
- HAGAHA QUUDINTA DHALLAANKA
Dhallaanka oo dhan waxay yeelan doonaan xirfado ay ku cunaan cunto taabasho kala duwan leh. Dhallaanka qaarkood waxaa laga yaabaa inay durba diyaar u noqdaan cuntada taabashada kala duwan ama is-quudinta halka qaarna ay u baahan karaan wakhti badan. Carruurta oo dhan waa ay kala duwan yihiin. La soco tilmaamaha canugaaga ee tallaabada xigta. Haddii aad qabto su'aalo ama walaacyo, kala hadal shaqaalahaaga WIC ama dhakhtarka daryeelka caafimaadka.

QUUDINTA 0-3
BILOOD JIRKA
QUUDINTA 0-3 BILOOD JIRKA
Dhallaanka dhawaan dhashay waxay leeyihiin calool yar waxayna ubaahan yihiin in marar badan la quudiyo. Marka ay sii weynaadaan, dhallaanku waxay qaadan karaan caano badan marka quudintu waxay noqon kartaa mid kala fog waxayna qaadataa wakhti yar. Dhowrka asbuuc ee ugu horreeya, waxaad ubaahan kartaa in aad toosiso canugaaga si aad u quudiso haddii uu hurdo wax ka badan 4 saacadood.
CAANAHA NAASKA
Naasnuuji 1½-3 saacadoodba mar, ama 8-12 jeer 24 saacadood kasta.
CAANAHA LA QASO EE DHALLAANKA
Dhowrka maalmood ee ugu horreeya, dhallaanku waxay ubaahan yihiin 2-3 oz (60-90mL). oo ah caanaha la qaso ee dhallaanka ee ayroonka lagu xoojiyay 3-4 saacadoodba mar.
Marka ay dhammaato bisha koowaad, dhallaankaagu waxa uu u baahan yahay 4 oz. 4 saacadoodba mar (120 mL).

QUUDINTA 4-5
BILOOD JIRKA
QUUDINTA 4-5 BILOOD JIRKA
Canugaaga waxaa laga yaabaa inuu bilaabo inuu wax ku quuto jadwal. Inti aad diiradda saari lahayd qadar go'an, canugaagu ha kuu sheego marka uu qaato wax ku filan.
CAANAHA NAASKA
Naasnuuji canugaaga marka uu u baahdo, ugu yaraan 7-9 jeer 24 saacadood kasta.
Haddii aad masaasad wax ku siinayso, sii qadar yar markiiba, qiyaastii 4-6 oz (120-180 mL).
Marka canugaaga uu bilaabo inay ilko u soo baxaan, waxaa laga yaabaa inuu rabo inuu marar badan wax quuto.
CAANAHA LA QASO EE DHALLAANKA
Canugaaga wuxuu ubaahan yahay 4-6 oz (120-180 mL). oo ah caanaha la qaso ee ayroonka lagu xoojiyay 3-4 saacadoodba mar, wadartooduna tahay 25-45 oz (750-1,350 mL). maalintii.
Xilliga lagu jiro koritaanka degdegga ah, 2 ilaa 4 toddobaad, 6 toddobaad, 3-4 bilood, iyo 6 billood, canugaaga waxaa laga yaabaa inuu u baahan yahay inuu wax cuno marar badan.

QUUDINTA 6-7
BILOOD JIRKA
QUUDINTA 6-7 BILOOD JIRKA
Cuntada adag ku sii qaado oo wax haka cuno baaquli, marna yuusan wax ka cunin masaasad ama weelka cuntada ilmaha.
CAANAHA NAASKA
Sii wad in aad naasnuujiso marka uu u baahdo, qiyaasti 4-6 jeer 24 saac kasta.
Dhallaanka waxaa laga yaabaa inay sameeyaan koritaan degdeg ah qiyaasti marka ay jiraan 6 bilood waxaana laga yaabaa inay marar badan wax quutaan.
Caanaha naaska ku sii koob.
CAANAHA LA QASO EE DHALLAANKA
Sii 24-32 oz (720-960 mL). maalintii oo ah caanaha la qaso ee dhallaanka ee ayroonka lagu xoojiyay.
Caanaha la qaso ku sii koob.
BADARKA
4-8 Qaado maalintiiba.
U isticmaal caanaha naaska ama caanaha la qaso in aad ku diyaariso 2-4 Qaado oo ah seeriyaalka dhallaanka ee ayroonka lagu xoojiyay. Sii labo jeer maalintiiba.
2-4 Qaado oo ah cadad yaryar oo ah rooti qalalan, buskudka ilmaha, iyo seeriyaalka. Sii labo jeer maalintiiba.
KHUDAARTA
4-8 Qaado maalintiiba.
Khudaar karsan, shurbad ah, oo la shiiday.
MIRAHA
4-8 Qaado maalintiiba.
Miro karsan, shurbad ah, oo la shiiday. Suugada tufaaxa, miro guduud shurbad ah, ama moos shiidan.
BAROTIINADA
2-4 Qaado maalintiiba.
Hilib aan waxbo lagu darin oo ridqan, shiidan ama shurbad ah, digaag, ukun, kalluun, ama digir.
Caano la fadhiisiyay oo sidooda ah oo jilcan.
Subag laws jilicsan, oo kareen oo kale ah, waxyar oo khafiif ah ku dul fidi buskut ama ku qas suugada tufaaxa iyo qorfe kuna fidi rooti dushiisa.
Waxaa halkan ku yaalla qaar ka mid ah tusaalooyinka sida cabbirrada qeybta cuntada iyo cuntooyinka fudud ay u ekaan karaan saxankayga dushiisa.
QURAACDA
Caanaha naaska ama caanaha la qaso
3 Qaado oo moos shiidan ah

2 Qaado oo ah seeriyaalka boorashka ilmaha ee diyaarsan
QADADA
3 Qaado oo shurbadda misirta ah

Caanaha naaska ama caanaha la qaso
3 Qaado oo shurbadda digaaga ah
CUNTOOYINKA FUDUD
3 Qaado oo shurbadda tufaaxa ah

Caanaha naaska ama caanaha la qaso
CASHADA
3 Qaado oo shurbadda kaarootada ah

Caanaha naaska ama caanaha la qaso
2 Qaado oo ah seeriyaalka boorashka ilmaha ee diyaarsan

QUUDINTA 8-9
BILOOD JIRKA
QUUDINTA 8-9 BILOOD JIRKA
Inta canugaaga uu sii weynaanaayo uuna ka baranayo xirfado cunto cunis oo cusub, ku day cuntooyin leh dareen taabasho oo kala duwan.
CAANAHA NAASKA
Sii wad naasnuujinta marka uu u baahdo, ugu yaraan 4 jeer 24 saacadood kasta.
Haddii canugaaga uu u muuqdo mid aan aad u danaynaynin naasnuujinta kadib marki aad bartay cuntada adag, isku day in aad naasnuujiso ka hor inta aadan siinin cuntada adag.
Caanaha naaska ku sii koob.
CAANAHA LA QASO EE DHALLAANKA
24-32 oz. maalintiiba.
Caanaha la qaso ku sii koob.
BADARKA
4-8 Qaado maalintiiba.
Seeriyaalka keligiisa ah ee dhallaanka ee lagu xoojiyay ayroonka. Bariis ama baasto garcade ah.
Buskutka ilmaha, rooti cad-cad yaryar ah, tortillada jilicsan.
KHUDAARTA
8-12 Qaado maalintiiba.
Khudaar keligeed la kariyay, oo lagu burburiyay fargeeto.
MIRAHA
8-12 Qaado maalintiiba.
Miro jilicsan oo la fiiqay oo la’eg cad la goosan karo.
Miro qasacadaysan oo aan macaanayn.
BAROTIINADA
4-8 Qaado maalintiiba.
Hilib la yaryareeyay, la jarjaray ama cad-cad ah, digaag, ukun, kalluun, ama digir shiidan oo karsan.
Jiista caanaha ama jiista khafiifka ah.
Subag laws jilicsan, oo kareen oo kale ah, waxyar oo khafiif ah lagu fidiyay.
Waxaa halkan ku yaalla qaar ka mid ah tusaalooyinka sida cabbirrada qeybta cuntada iyo cuntooyinka fudud ay u ekaan karaan saxankayga dushiisa.
QURAACDA
Caanaha naaska ama caanaha la qaso

2 Qaado oo ah seeriyaalka boorashka ilmaha ee diyaarsan
2 Qaado oo ukumo la tumay ah
QADADA
4 Qaado oo raspberries la jarjaray ah
5 Qaado oo misir karsan, oo la shiiday

Caanaha naaska ama caanaha la qaso
2 Qaado oo digaag karsan, oo la jarjaray
CUNTOOYINKA FUDUD
2 Qaado oo kiwi la jarjaray ah

Caanaha naaska ama caanaha la qaso
2 Qaado oo rootiga qamadiga ah, qeybo yaryar ah
CASHADA
4 Qaado oo ah miraha pears oo qasacadaysan oo la jarjaray, oo aan la macaanayn
5 Qaado oo ah bataati karsan, oo la shiiday

Caanaha naaska ama caanaha la qaso
3 Qaado oo bariiska cas ah, oo karsan
2 Qaado oo digir madow karsan, oo la shiiday

QUUDINTA 10-12
BILOOD JIRKA
QUUDINTA 10-12 BILOOD JIRKA
Caanaha naaska waa isha ugu muhiimsan ee nafaqada ee canugaaga, xitaa kadib marka aad billoowdo in aad siiso cuntada adag. Bilow in aad siiso caanaha saafida ah marka canugaaga uu jiro hal sano.
CAANAHA NAASKA
Sii wad in aad nuujiso marka uu u baahdo, 3 jeer ama ka badan maalintiiba.
CAANAHA LA QASO EE DHALLAANKA
16-24 oz (480-720 mL). maalintiiba.
Caanaha la qaso ku sii koob.
BADARKA
4-8 Qaado maalintiiba.
Siriyaalka aan la macaanayn, isku qasan, oo borotiinka badan leh.
Rooti qallalan, buskud, rooti, bur kuuskuus, bur duu-duub, ama muffins aan waxbo lagu darin.
Bariis iyo baasto karsan
KHUDAARTA
8-12 Qaado maalintiiba.
Cad-cad khudaar karsan oo la goosan karo.
MIRAHA
8-12 Qaado maalintiiba.
Miro cusub, la fiiqay, oo qeybo la goosan karo ah.
BAROTIINADA
4-8 Qaado maalintiiba.
Hilib la yaryareeyay, la jarjaray ama cad-cad ah, digaag, ukun, kalluun, ama digir shiidan oo karsan.
Waxaa halkan ku yaalla qaar ka mid ah tusaalooyinka sida cabbirrada qeybta cuntada iyo cuntooyinka fudud ay u ekaan karaan saxankayga dushiisa.
QURAACDA
3 Qaado oo istarowbeeri cad-cad ah

Caanaha naaska ama caanaha la qaso
2 Qaado oo seeriyaal qalalan ah
QADADA
3 Qaado oo miro guduud cad-cad ah, aan la macaanayn oo qasacadaysan
4 Qaado oo barokooli karsan oo cad-cad ah

Caanaha naaska ama caanaha la qaso
3 Qaado oo kalluunka salmon oo qasacadaysan
CUNTOOYINKA FUDUD
4 Qaado oo suugada tufaaxa ah
3 Qaado oo kaarooto la jarjaray ah, oo karsan

Caanaha naaska ama caanaha la qaso
4 xabo oo buskutka laga sameeyay badarka qolofkiisa wata
CASHADA
3 Qaado oo khudaar mushakal ah oo karsan

Caanaha naaska ama caanaha la qaso
3 Qaado oo baasto la jarjaray ah, oo karsan
3 Qaado oo digirta pinto ah oo karsan oo la shiiday

TALLOOYIN
TALLOOYIN
KU QUUDINTA CAANAHA NAASKA IYO CAANAHA LA QASO
Caanaha naaska ama caanaha la qaso ayaa ah waxa kaliya ee canugaagu u baahan yahay lixda billood ee ugu horeysa noloshiisa. Habdhiska dheefshiidka ee canugaaga diyaar uma ahan waxkale ilaa uu ka gaaro qiyaastii 6 billood.
Quudi canugaaga marka uu u baahdo, marka uu muujiyo calaamado inay gaajo hayso, sida nuugidda gacmihiisa ama muudmuudsashada bishimihiisa. Ka jooji quudinta marka uu muujiyo inuu dharagsan yahay, sida ka leexinta madaxa, dejinta gacmihiisa, ama seexashada.
Haddii aad masaasad wax ku siinayso, sii qadar yar markiiba, qiyaastii 2-3 oz (60-90 mL). Canugaaga haku qasbin inuu dhammeeyo masaasadda.
American Academy of Pediatrics waxay ku talinaysaa naasnuujinta lixda bilood ee ugu horreeya iyo in naasnuujinta la sii wado ugu yaraan 12 bilood, ama ka badan, sida ay rabaan hooyada iyo canugga.
KU QUUDINTA CUNTADA ADAG
Sug in aad siiso cunto adag ilaa canugaaga:
- Uu fariisan karo oo uu madaxa kor u ceshan karo.
- Uu furo afkiisa marka uu arko cunto.
- Uu bishimihiisa ku dabooli karo hareeraha qaadada.
Hal cunto oo cusub ku day markiiba. Sug 3-5 maalmood kahor inta aadan ku dayin cunto cusub si aad uga eegto xasaasiyadaha. Xasaasiyadaha cuntada waxaa ka mid noqon kara hinraag, finan, ama shuban.
Dhallaanka ka yar hal sano waa in AAN la siin malab, caano lo’ ama cabitaannada kale ee aan caanaha ahayn, ama cuntooyinka keeni kara inay ku mergadaan sida lawska ama canabka is-wata.
Carruurta oo dhan waa ay kala duwan yihiin.
Kala hadal WIC ama dhakhtarka daryeelka caafimaadka ee canugaaga wixi ku saabsan baahiyaha canugaaga.
TILMAAMAHA HORE
WAAN GAAJAYSANAHAY
-
Dhaqdhaqaaq
-
Af kala furid
-
Wax ku raadinta madaxa/raadinta ibta naaska
WAAN DHARAGSANAHAY
-
Nuugista ayaa yaraanaysa ama istaagaysa
-
Gacmaha/cududaha ayaa dabcaya
-
Jeesan ama iska riixi
BILAABISTA SUBAGGA LOWSKA:
Subagga lowska ku qas biyaha, caanaha la qaso, caanaha naaska, ama cuntada:
- 2 Qaado oo khafiif ah oo subagga lowska ah iyo 2-3 qaado oo ah biyo kulul, caanaha la qaso, ama caanaha naaska. Ha qaboobaan ka hor inta aadan siin.
- 2 Qaado oo subagga lowska ah ku qas 2-3 qaado oo cunto ah sida seeriyaalka dhallaanka ama shurbadda miraha, khudaarta, digaaga, ama tofu.