Daryeelista Dhallaankaaga6 ILAA 12 BILOOD

5-01

WAXAAN AHAY DHALLAANKAAGA

Waxaan sida ugu wanaagsan ugu koraa jacaylka iyo cuntada saxda ah.

Marka aad i Caawiso Waxaan Baran Doonaa Sida Cuntada loo Cuno

Marka aan 6 bilood jiro, waxaan bilaabi karaa cunista cuntada adag. Fadlan tartiib u soco.

Haddii qoyskeenu qabo xasaasiyad ama aan dhashay anoo shin dhamaysan, la hadal bixiyahayga daryeelka caafimaadka ama WIC kahor inta aanan bilaabin cuntooyinka adag.

Hubi inaan Diyaar Ahay

Si aan cuntooyinka adag u cuno, waa inaan awoodaa inaan:

WAXAAN MARI DOONAA 4 MARXALADOOD OO CUNTO AH:

1

Cunto Jilicsan: la jajabiyay ama miishaariyo

Smooth, strained or pureed food.

2

Cunto Shiidan: jilicsan oo burar yaryar leh
Mashed food with tiny lumps

3

Cunto La jarjaray: xoogaa cadad ah leh

Chopped food with more lumps

4

Cunto Gabalo ah kamid ah cuntada caadiga ah

Small pieces of table food

KA DHIG CUNTADAYDA KOOWAAD HAL CUNTO

Sug 3-5 maalmood kahor inta aadan igu dayin cunto cusub.

WAXAAN U BAAHANAHAY INAAN WAX U CUNO QAABKAYGA

AAN CUNTADA KU CUNO FARAHAYGA

Marka aan gaaro 8 ama 9 bilood, waxaa laga yaabaa inaan cuntada ku cuno farahayga. Waxaad usii baahan kartaa inaad qaadada isticmaasho si aad cuntada ii siiso, laakiin aniguna aan iskudayo inaan cuntadayda cuno, sidoo kale.

Ka dhig cuntada oo dhan mid badqabta si aanan ugu saxan.
Cuntooyinka ammaanka ah ee “farahu” waa:

Ka dhig cuntada mid aan ka weynayn cidida suulkaaga.

INTEE IN LA'EG AYAAN CUNAA?

Waxaan u baahanahay inaan wax cuno ilaa 5 ama 6 jeer maalintii. Cuntadu waxay noqon kartaa caanaha naaska ama kuwa la qaso, ama cuntadu waxay noqon kartaa caanaha naaska ama kuwa la qaso oo lagu daray haruurka ilmaha la siiyo oo baaquli ku jira. Ku bilow 1 ama 2 qaado cunto walba. Isii waxbadan haddii aan doonayo. Waxaa dhici karta in aanan cunin wax walba oo saxanka iigu jira. Marka aan bilaabo inaan cunto badan cuno, waxaad i siin kartaa 2 ilaa 3 cunto marki wax la cunayo.

Waa kuwaan qaar kamid ah fikradaha:

6 - 8 BILOOD

2 qaado oo miraha peach ah oo shurbad ahaan ah

Meal for baby aged 6 to 8 months
Oo lagu daray caanaha naaska ama kuwa la qaso

3 qaado oo ah haruurka laga sameeyo boorashka caruurta

8 - 10 BILOOD

3 qaado oo misir la shiiday ah

Age 6 to 8 months
Oo lagu daray caanaha naaska ama kuwa la qaso

3 qaado oo bariiska cas oo la shiiday ah

1 qaado oo digaaga duban, oo jarjaran ah

10 - 12 BILOOD

2 qaado oo afokaadhada jarjaran ah

Meal for baby aged 6 to 12 months
Oo lagu daray caanaha naaska ama kuwa la qaso

3 qaado oo baasatada haruurka ka smaaysan oo karsan, la jarjaray

Aan wax cuno ilaa aan ka muujinayo inaan dhargay. Waxaa dhici karta inaan bishimaha isku qabto, madaxa leexiyo ama ruxo, ama aan gacanta taago. I weydii inaan dhargay iyo in kale. Intaas kadib, iga jooji cuntada haddii aan sidaas rabo.

cup

WAKHTIGA KOOBKA

Marka aan gaaro 6 bilood, waxaad isiin kartaa qadar yar oo biyo ah aniga oo baranaya sida koobka wax loogu cabbo.

BADQABKA CUNTADA

Waxaanu u baahanahay inaan gacmaha dhaqano kahor inta aadan cuntada ii smaayn ama aadan cuntada i siin.

Ku rid cuntadayda saxan yar waxaadna igu siisaa qaadada ilmaha.

Daadi cunto kasta, caanaha naaska, ama kuwa la qaso oo kusoo hara masaasadda, koobka, ama saxanka kadib marka aan wax cuno.

Ha ku kululayn cuntadayda mikroweefka. Afka ayay iga gubi kartaa.

CUNTADA LA RABO IN LA IGA ILAALIYO

Waxaan u baahanahay cuntada ku haboon da’dayda igana caawinaysa koritaanka wanaagsan.

Uma baahni sonkorta cuntada lagu daro, milixda, baruurta, ama waxyaabaha cuntada lagu daro. Sug inaad sharaab isiiso ilaa aan ka gaarayo ugu yaraan 12 bilood.

Ha i siin cuntada aan ku margan karo, sida:

Sidoo kale, fadlan ha i siin cuntooyinka aan ku xanuunsan karo, sida:

Rare or raw meats

Hilibka dhifka ama cayriinka ah

Cow's Milk

Caanaha lo'da

Honey don't use

Malabka ama cuntada uu ku jiro. Mararka qaarkood malabka waxaa ku jirta bakteeriya (Clostridium botulinum) taasoo ilmaha xanuun u keeni karta. Waa inaan malab la i siin ilaa aan ka gaarayo da'da 12 bilood.

BILAABISTA SUBAGGA LOWSKA

peanut butter

Kadib marka aan iskudayo cuntooyinka adag, ii bilow subagga lowska. Arintan samaynteeda ayaa i caawin karta haddii qoyskeenu qabo xasaasiyadaha cuntada ama ukunta la xiriira, sida canbaarta ama xaaladaha kale ee maqaarka. Ku fidi subagga lowska oo yar, khafiif ah buskut yar dushiisa ama ku qas suugada tufaaxa iyo qorfe kuna fidi rooti yar dushiisa. Ila soco 2-da saac ee xigta si aad u hubiso inaanan yeelan wax falcelin xasaasiyad ah.

ILA CAYAAR!

Igu dad buste dhulka ku goglan. Dhig boombale meel ii dhow si aan u aado oo usoo qaato. Iisoo taraarixi kubad. Labada gacboodba i qabo oo aan kula socdo.

EEG WAXA AAN SAMAYN KARO!

Waxaan jeclahay inaan wax kaa barto. Wax ii akhri. Hees ii hees. Aanu wada cayaarno cayaaraha sida peek-a-boo (waji-qarsashada). I socodsii oo i tus waxyaabo cusub. Waxaan ahay mid firfircoon — isha igu hay!

Infant happily playing with toys

6 ilaa 9 Bilood

Father holding his child

9 ilaa 12 Bilood

IGA DHIG QOF BADBAADSAN OO CAAFIMAAD QABA

Wixii kaalmo dheeraad ah, kala xiriir La taliyahaaga Naasnuujinta ee WIC ama Khabiirka Qaabilsan Naasnuujinta ee WIC si aad u weydiiso wixii su’aalo ah oo ku saabsan naasnuujinta.