3 ILAA 3½ SANO

circle border shape with gradient

INAAN JIRO SADDEX SANO WAA MID MADADAALO II AH!

Waxaan ahay mid xiiso badan waxaana laga yaabaa inaan weydiiyo su’aalo badan. Waxaan rabaa inaad iga caawiso inaan BARTO WAXYAABO CUSUB.

WAXAA LAGA YAABAA INAAN NOQDO xiisoole mararka qaar.

Waxaa laga yaabaa inaan cunto jeclaado maalin, oo aan jeclaan maalinta xigta. Waa caadi haddii aan waxbadan cuno mararka qaar, oo aan waxbadan cunin mararka kale. Maalmaha qaar waxaa laga yaabaa inaan ka gaajo badanahay maalmaha kale, tani waa caadi. Waxbaan cuni haddii aan gaajaysanahay.

Waxaa laga yaabaa inaan ka taxaddaro cunista cuntooyin cusub. Waxaan ubaahan karaa inaan cuntada arko 10 jeer ama ka badan kahor inta aanan baran inaa jeclaado! Fadlan sii wad inaad wax isiiso, laakiin ha igu qasbin inaan wax cuno.

XUSUUSNOW:
WAXAAN KAA RABAA INAAD IBARTO:
WAA KUWAN WAXA I CAAWIN DOONO:
Waxaa halkan ku yaalla qaar ka mid ah tusaalooyinka sida cabbirrada qeybta cuntada iyo cuntooyinka fudud ay u ekaan karaan saxankayga dushiisa.

Cabbirka saxanka muuqda: 10″

QURAACDA

½ koob 100% biyo oranji shiidan ah

 

½ koob oo barbarooni cad-cad ah

A plate featuring a sandwich accompanied by eggs

1 cad oo rootiga badarka qolofkiisa wata laga sameeyay

1 ukun karsan, shiilan

½ koob oo caano la fadhiisiyay ah oo dufanku ku yar yahay

QADADA

½ koob oo nus canab jarjaran ah

½ koob oo kaarooto karsan, oo la jarjaray

Plate of lunch meal

½ rootiga pita oo dhexdhexaad ah oo laga sameeyay badarka balkiisa wata

oo leh 1 wiqiyadood (30 garaam) oo dheylada hilibka shinbirta turki, oo la jarjaray

oo leh 1 cad oo jiis ah

½ koob oo biyo ah

CUNTOOYINKA FUDUD

2 ama 3 buskutka laga sameeyay badarka qolofkiisa wata

oo leh 1 ul oo jiis dufan yar leh ah, afar cad dherer ahaan loo jarjaray

Plate of snacks meal

¼ quesadilla oo leh jiis

 ½ koob oo caano oo dufanku ku yar yahay ah

biyo u dhexeeyo raashinka iyo cuntada fudud

CASHADA

½ koob oo ah saytuunka pear oo jarjaran

½ koob oo ah khudaar karsan, mushakal ah oo jarjaran

½ koob oo caano oo dufanku ku yar yahay ah

Plate of dinner meal

¼ koob oo bariiska cas ah oo karsan

¼ koob oo digirta pinto ah oo karsan

QADARADA KOOXDA CUNTADA EE MAALINLAHA AH EE LA SOO JEEDIYAY

MIRAHA

3 qaadasho maalinti
1 qaadasho = ½ koob
(Wadarta 1½ koob)

Miro karsan ama jilcan, cayriin ah

Tuman, cad-cad ah, ama la jarjaray

Sii midabo kala duwan: casaan, jaalle, oranji, buluug, iyo cagaar

KHUDAARTA

3 qaadasho maalinti
1 qaadasho = ½ koob
(Wadarta 1½ koob)

Khudaar cayriin ah ama karsan, tuman, cad-cad ah, ama la jarjaray

Sii noocyo kala duwan: cagaar madow, oranji, casaan, jaalle, iyo basali

BADARKA

6-8 qaadasho maalinti
1 qaadasho = ½ wiqiyadood (15 garaam)
(Wadarta 3-4 wiqiyadood (90-115 garaam))

Rootiga badarka baalkiisa wata, burka tortilla, bariis, baasto

Seeriyaal qalalan ama karsan

BAROTIINADA

3-4 qaadasho maalinti
1 qaadasho = 1 wiqiyadood (30 garaam)
(Wadarta 3-4 wiqiyadood (90-115 garaam))

Hilib, hilib shinbir, ama cunto bad caato ah oo karsan

Ukumaha

Digir karsan, misir, ama tofu

Subagga lowska

CAANAHA

5 qaadasho maalinti
1 qaadasho = ½ koob
(Wadarta 2½ koob)

Caanaha dufanka yar leh

Yoogat

Jiis

EEG WAXA AAN SAMAYN KARO!

IGA DHIG QOF BADBAADSAN OO CAAFIMAAD QABA

Ii wad dhakhtarka si uu ii baaro.

Iga caawi inaan ilkaha cadaydo 2 jeer maalinti oo aan dunta ku findhicisho maalin kasta.

Waxaanu u baahanahay inaan gacmaha dhaqano marwalbo. Ibar sida gacmahayga loogu dhaqo biyo diiran iyo saabuun. Waxaan ubaahanahay inaan dhaqo ugu yaraan 20 ilbiriqsi, ama wakhtiga ay qaadato in lagu heeso “Kaxee, Kaxee, Kaxee Doontaada.”

Waxaan u baahanahay xeerar fudud. Xad u yeel marka, halka, iyo inta aan isticmaalayno shaashadda. Ka hadal waxa aan baranayo inta aan wax isla daawanayno, oo iga ilaali waxa ay tahay in aan arag. Aan iska warhayno xilliga raashinka iyo cuntada fudud.