WAXAAN BARANAYAA INAAN WAX BADAN U QABTO NAFTAYDA
Waxaan u baahanahay QAAB-DHISMEED IYO TAAGEERO si aan si fiican wax ugu cuno.
Si aan si fiican wax ugu cuno, waxaan kaaga baahanahay xulashooyin raashin iyo cunto fudud oo caafimaad qaba. Aniga ayay ii taalaa inaan hawshayda wax cunista qabsado.
SHAQADAADU WAA INAAD GO'AAMISO:
- Cuntada la isiinayo
- Goorta cuntada la isiinayo
- Halka lagu cunayo
SHAQADAYDU WAA INAAN GO'AAMIYO:
- Inaan cuno iyo in kale
- Waxa aan ka cuni doono cuntada la isiiyay
- Qadarka aan cunayo
Haka walwalin haddii aan rabin inaan cuno raashinka ama cuntada fudud.
Iisheeg marka aad isiin doonto raashinkayga ama cuntadayda fudud ee xigta.
Waxaa laga yaabaa inaan gaajoodo markaas.
CUNTOOYINKA FUDUD EE DHEELLITIRAN
Cuntooyinka fudud waxay iga caawiyaan inaan helo waxaan u baahanahay si aan u koro, u ciyaaro, waxna u barto. Calooshaydu waa ay yar tahay, marka waxay gaajo iqabataa 2 ama 3 saacadoodba mar. Isii hal cunto oo fudud oo u dhaxayso quraacda iyo qadada, hal cunto oo fudud oo u dhaxaysa qadada iyo cashada, iyo laga yaabo hal cunto oo fudud kahor hurdada.
Cabbirka saxanka muuqda: 10″
QURAACDA
¼ koob oo rasbeeri cad-cad ah
½ koob oo caano oo dufanku ku yar yahay ah
1 cad oo rootiga badarka qolofkiisa wata laga sameeyay
1 ukun karsan, shiilan
QADADA
1 cad oo qare dhexdhexaad ah, oo la jarjaray
1 qaloon karsan, oo yar
½ koob oo biyo ah
1 cad oo rootiga badarka baalkiisa wata ah
oo leh 1 wiqiyadood (30 garaam) oo dheylada hilibka shinbirta turki ama hilib jiir ah
oo leh 1 cad oo jiis ah
CUNTOOYINKA FUDUD
½ koob oo buluu beeri ah, oo jarjaran
oo leh ½ koob oo caano la fadhiisiyay ah oo dufanku ku yar yahay
5 ama 6 buskutka laga sameeyay badarka qolofkiisa wata oo leh jiis
½ koob oo kaarooto jarjaran
oo leh 1 qaado oo subagga lawska ah
biyo u dhexeeyo raashinka iyo cuntada fudud
CASHADA
½ koob oo miro guduud jarjaran ah
½ koob oo madaxyada borokooli karsan
½ koob oo caano oo dufanku ku yar yahay ah
½ koob oo bariiska cas ah oo karsan
1 wiqiyadood (30 garaam) oo kalluunka salmon ah, oo qasacadaysan
QADARADA KOOXDA CUNTADA EE MAALINLAHA AH EE LA SOO JEEDIYAY
MIRAHA
3 qaadasho maalinti
1 qaadasho = ½ koob
(Wadarta 1½ koob)
Miro karsan ama jilcan, cayriin ah
Tuman, cad-cad ah, ama la jarjaray
Sii midabo kala duwan: casaan, jaalle, oranji, buluug, iyo cagaar
KHUDAARTA
3 qaadasho maalinti
1 qaadasho = ½ koob
(Wadarta 1½ koob)
Khudaarta cayriin ama karsan, tuman, cad-cad ah, ama la jarjaray
Sii noocyo kala duwan: cagaar madow, oranji, casaan, jaalle, iyo basali
BADARKA
6-8 qaadasho maalinti
1 qaadasho = ½ wiqiyadood (15 garaam)
(Wadarta 3-4 wiqiyadood (90-115 garaam))
Rootiga badarka baalkiisa wata, burka tortilla, bariis, baasto
Seeriyaal qalalan ama karsan
BAROTIINADA
3-4 qaadasho maalinti
1 qaadasho = 1 wiqiyadood (30 garaam)
(Wadarta 3-4 wiqiyadood (90-115 garaam))
Hilib, hilib shinbir, ama cunto bad caato ah oo karsan
Ukumaha
Digir karsan, misir, ama tofu
Subagga lowska
CAANAHA
5 qaadasho maalinti
1 qaadasho = ½ koob
(Wadarta 2½ koob)
Caanaha dufanka yar leh
Yoogat
Jiis
EEG WAXA AAN SAMAYN KARO!
- Wax waan caawin karaa diyaarinta miiska.
- Waxaan hoolli karaa oo aan tirtiri karaa miiska ama meesha cuntada lagu diyaariyo anigoo isticmaalayo maro ama isbuunyo.
- Waxaan kala jabin karaa oo aan jeexjeexi karaa khudaarta si aan uga diyaariyo saladh.
EEG WAXA AAN SAMAYN KARO!
- Wax waan caawin karaa diyaarinta miiska.
- Waxaan hoolli karaa oo aan tirtiri karaa miiska ama meesha cuntada lagu diyaariyo anigoo isticmaalayo maro ama isbuunyo.
- Waxaan kala jabin karaa oo aan jeexjeexi karaa khudaarta si aan uga diyaariyo saladh.
IGA DHIG QOF BADBAADSAN OO CAAFIMAAD QABA
Xaqiiji inaad khudaarta aad u yaryarayso si aysan iigu margan oo ila fadhi intaan wax cunayo.
Ii wad dhakhtarka baaritaanadayda.
Iga caawi inaan cadaydo ilkaha 2 jeer maalin kasta oo aan ku cadaydo burush yar, oo jilcan iyo qadar xabad digir le’eg oo daawada lagu cadaydo ah. Ibar sida loo tufo daawada cadayga oo dunta loogu findhicisho ilkaha maalin kasta.
Waxaanu u baahanahay inaan gacmaha dhaqano marwalbo. Ibar sida gacmahayga loogu dhaqo biyo diiran iyo saabuun. Waxaan ubaahanahay inaan dhaqo ugu yaraan 20 ilbiriqsi, ama wakhtiga ay qaadato in lagu heeso “Kaxee, Kaxee, Kaxee Doontaada.”
Waxaan u baahanahay xeerar fudud. Xad u yeel marka, halka, iyo inta aan isticmaalayno shaashadda. Ka hadal waxa aan baranayo inta aan wax isla daawanayno, oo iga ilaali waxa ay tahay in aan arag. Aan iska warhayno xilliga raashinka iyo cuntada fudud, yaanan ku mashquulin shaashadda.