Bayaanka Takoorka
Iyadoo la raacayo sharciga xuquuqaha madaniga ee Federaalka iyo xeerarka iyo siyaasadaha xuquuqaha madaniga ee Waaxda Beeraha ee Mareykanka (U.S. Department of Agriculture, USDA), Hay’adeeda, xafiisyadiisa, iyo shaqaalihiisa, iyo sidoo kale hay’adaha ka qayb qaata ama maamula barnaamijyada USDA, waxaa ka mamnuuc inay sameeyaan takoor ku saleysan jinsiyada, midabka, asalka qaran, diinta, jinsiga, xaaladda naafonimo, da’da, xaalada guurka, xaalad qoys/waalidnimo, dakhli ka yimaada barnaamij gargaar dadweyne, aragtiyo siyaasadeed, ama aargoosi ama falcelin ciqaabeed la xiriirta hawlo xuquuq madani oo hore, barnaamij kasta ama hawl kasta oo ay USDA fuliso ama maalgeliso (dhammaan qodobadani ma khuseeyaan guud ahaan barnaamijyada). Hababka xalinta cabashada iyo wakhtiyada kama dambaysta ah ee gudbinta cabashada way kala duwanaan karaan iyadoo ku xiran barnaamijka ama dhacdada.
Dadka naafada ah ee u baahan habab kale oo isgaarsiin si ay u helaan macluumaadka barnaamijka (tusaale ahaan Xog Far waawayn ku qoran, qoraalka farta waaweyn, cajalad maqal, Luuqadda Calaamadaha Mareykanka, iwm) waa inay la xiriiraan Hay’adda Gobolka ama Deegaanka ee maamusha barnaamijka ama ay kala xiriiraan USDA adeegga Isgaarsiinta Gudbinta iyagoo wacaya 711 (cod iyo TTY). Intaa waxaa dheer, macluumaadka barnaamijka waxaa lagu heli karaa luuqado kale oo aan ahayn luuqadda Ingiriisiga.
Si aad u gudbiso cabasho takoor oo la xiriirta barnaamij, buuxi Foomka Cabashada Takoorka Barnaamijka ee USDA, AD-3027, oo laga heli karo oonleenka ee Sida Loo Gudbiyo Cabasho Takoor oo la Xiriirta Barnaamij iyo xafiis kasta oo USDA ah, ama qor warqad ku socota USDA kuna dar warqadda dhammaan macluumaadka lagu codsaday foomka. Si aad u codsato nuqul ka mid ah foomka cabashada, wac (866) 632-9992. U dir foomka aad buuxisay ama warqaddaada USDA adigoo adeegsanaya: (1) boostada: Depatman Agrikilti Etazini, Biwo Sekretè Adjwen pou Dwa Sivil, 1400 Independence Avenue, SW, Mail Stop 9410, Washington, D.C. 20250-9410; (2) fakiska: (202) 690-7442; ama (3) iimaylka: program.intake@usda.gov.
-
boostada: U.S. Department of Agriculture,
Office of the Assistant Secretary for Civil Rights,
1400 Independence Avenue, SW, Mail Stop 9410,
Washington, D.C. 20250-9410 - fakiska: (202) 690-7442
- iimaylka: program.intake@usda.gov
USDA waxay bixisaa fursad, shaqaaleeysiin, iyo deyn loo siman yahay.