Bayaanka Takoorka
Sida waafaqsan sharciga xaquuqda bulshada ee federaalka iyo shuruucda iyo siyaasadaha xaquuqda bulshada ee Waaxda Beeraha ee Maraykanka (USDA), hay’adaan waxaa ka mamnuuc ah wax takoor ah oo ku salaysan isir, midab, wadanka qofku kasoo jeedo, jinsiga (oo ay kujirto nooca jinsiga iyo rabitaanka galmada), naafanimada, da’da, ama ciqaabta ama ka aargoosiga howlo hore oo bulshada ah.
Macluumaadka barnaamijka waxaa lagu diyaarin karaa luuqad aan Ingiriisi ahayn. Dadka naafada ah ee u baahan qaab kale oo xiriir ah oo ay ku helaan macluumaadka barnaamijka (sida, luuqada indhooleyaasha, farta waaweyn, codadka, Luuqadda Dhagooleyaasha ee Maraykanka), waa inay la xiriiraan gobolka ama wakaaladda deegaanka ee mas’uulka ka ah ee maamulaysa barnaamijka ama Xarunta USDA TARGET (202) 720-2600 (codka iyo TTY) ama kala xiriir USDA Adeegyada Relay ee Federaalka (800) 877-8339.
Si uu usoo gudbiyo cabashada takoorka ee barnaamijka, qofka cabanaya waa inuu soo buuxiyaa Foomka AD-3027, Foomka Cabashada Takoorka ee Barnaamijka USDA kaasoo si oonleen ah looga heli karo: https://www.usda.gov/sites/default/files/documents/ad-3027.pdf, xaafiis kasta oo USDA leedahay, ayaga oo wacaya (866) 632-9992, ama u qoraya waraaq ku socota USDA. Waraaqda waa inay kujiraan magacyada qofka cabanaya, ciwaankiisa, lambarka teleefoonkiisa, iyo tafaasiisha qoran ee ficilka takoorka ah oo wata tafaasiil ku filan si loogu wargaliyo Kaaliyaha Xoghaya Xaquuqda Bulshada (ASCR) qaabka iyo taariikhda xadgudubka xaquuqaha bulshada ee la sheegay. Foomka AD-3027 ee lasoo buuxiyay ama waraaqda waa in USDA loogu soo gudbiyaa:
-
iimaylka: U.S. Department of Agriculture
Office of the Assistant Secretary for Civil Rights
1400 Independence Avenue, SW
Washington, D.C. 20250-9410; ama - fakiska: (833) 256-1665 ama (202) 690-7442; ama
- iimaylka: program.intake@usda.gov
Hay’adaanu waxay bixisaa fursado loo simanyahay.