Skip to Content Skip to Footer
WIC Oregon logo
WIC Oregon logo
  • Guriga
  • Dumarka
  • Dhallaanka
  • Carruurta
  • Aabeyaasha
  • Somali (Soomaali)
    • English (English)
    • Spanish (Español)
    • Russian (Русский)
    • Ukrainian (українська)
    • Vietnamese (Tiếng Việt)
    • Chinese (中國人)
    • Arabic (العربية)
    • Dari (از)

Daryeelista Dhallaankaaga DHALASHADA ILAA 6 BILOOD

  • Guriga
  • Dhallaanka
  • Dhalashada ilaa 6 Bilood
  • Waan Idin Salaamay Dunida
  • Waxaad Haysaa Waxa Aan u Baahanahay Si Aan u Koro
  • Waxaan u Baahanahay Taabashadaada
  • Isticmaalka Masaasad si Aad Canugaaga ugu Quudiso
  • Waxaan u Baahanahay inaan Inta badan Wax Cuno
  • Eeg Astaamaha Canugga
  • Korriin Degdega ah
  • Ila Cayaar!
  • Eeg Waxa aan Samayn Karo!
  • Ka Dhig Canugga Mid Badbaadsan oo Caafimaad Qaba
  • Bilaabista Subagga Lowska

WAAN IDIN SALAAMAY DUNIDA

Waxaan Ahay Dhallaankaaga. Waxaad ii tahay wax walba.
Fadlan iga caawi inaan xoogaysto jir ahaan, qalbi ahaan, iyo maskax ahaanba. Waxaan si fiican u korayaa marka aad:
  • Jirka igu qabato ama laabta igu hayso. Waxaan gacmahaaga ku dareemayaa ammaan.
  • Dhoolacadee oo ila hadal. Wax badan ayaan kaa baranayaa.
  • I dhegayso marka aan kula hadlo. Waxaan isticmaalayaa dhaqdhaqaaqa jirkayga iyo qaylo si aan kuugu sheego marka aan gaajaysanahay, dharagsanahay, xaaladaydu wanaagsanayn, ama aan daalanahay.
Caanaha naaska ama caanaha la qaso ee caruurta ee leh birta (iron) ayaa ah waxa aan u baahanahay si aan u koro una barbaaro 6-dayda bilood ee iigu horreysa.

NAASNUUJINTA

Waxaad Haysaa Waxa Aan u Baahanahay Si aan u Koro.
Caanaha naasku waa cuntada iigu wanaagsan aniga.
  • Waxaa ku jira dhammaan nafaqooyinka aan u baahanahay ee iga caawinaya inaan caafimaad qabo oo aanan xanuunsan.
  • Caanaha naaskaagu waa ay isbadalayaan inta aan korayo. Hadba dheeraanta muddada naasnuujintu, waa ay kasii wanaagsan tahay.
Weydii bixiyahaaga daryeelka caafimaadka haddii aan u baahdo Fitamiin D dheeraad ah si aan ugu koro haddii aan naaska nuugayo. Weydii bir (iron) dheeraad ah marka aan gaaro 6 bilood jir.
Round-2-23

CABISTA CAANAHA LA QASO

Haddii aan cabo caanaha la qaso, waa muhiim in la isku qaso isla markaas. Raac tilmaamaha isku qasidda ee gasaca ku qoran.
Mar walba masaasada biyaha ku shub, kadibna caanaha budada ah.
Mar walba isticmaal qaadada laguugu siiyay gasacadda caanaha. Hubi in ay siman yihiin.
Ku isticmaal caanaha caruurta ee la qaso 2 saacadood gudahood kadib marka aad talaagadda kasoo saarto.
Marka aan bilaabo cunta cunista, daadi caanaha kusoo hara masaasada 1 saac kadib.
BottleFeeding

WAXAAN U BAAHANAHAY TAABASHADAADA

I hay marka aad i quudinayso.
Waxaan ku dareemaa ammaan iyo jacayl in aan wajigaaga eego.

Marraka qaarkood waxaan ka nasan karaa cuntada, inkasta oo aanan wali dharagsanayn. Waxaan kaliya rabaa inaan nasto ama aan kula qaato wakhti gaar ah.
Iga caawi in aan soo jeedo marka aad cuntada i siinayso. Fadlan meel haku tiirin masaasadayda. Waan ku margan karaa ama waxaan qaadi karaa caabuqa dhagaha.

ISTICMAALKA MASAASAD SI AAD CANUGAAGA UGU QUUDISO

Haddii ay yihiin caanaha naaska ama kuwa la qaso ee masaasadayda ku jira:

milk bottle

Ka bilow inaad i siiso qadar yar halkii marba, 2 ilaa 3 wiiqadood (60 ilaa 90 ml) oo ah caanaha naaska ama kuwa la qaso.

stop watch
Aan maamusho hadba sida degdegga ah ee aan masaasadayda wax uga cabayo.
battery
Igu aamin in aan aqaano marka aan dharagsanahay. Fadlan ha igu qasbin inaan masaasada ka dhameeyo.
clock
Qabooji masaasada ilaa aad diyaar u tahay in aad igu quudiso. Ku isticmaal masaasadaha aad diyaariso 24 saac gudahood.
no use microwave
Mar walba masaasadahayga ku kululee biyo kulul. Marna caanaha naaska ama kuwa la qaso mikroweefka ha galin. “Waxyaabaha kuluul” afka ayay iga gubi karaan. Adada!

WAXAAN U BAAHANAHAY INAAN INTA BADAN WAX CUNO

Calooshaydu waa ay yar tahay.
Breastfeeding

Dhalashada ilaa 3 Bilood

  • Calooshaydu waxay qaadi kartaa ilaa 2 ilaa 3 wiiqadood (60 ilaa 90 garaam) halkii marba.
  • Waxaan u baahan doonaa inaan wax cuno 8 ilaa 12 jeer 24-kii saacba.
  • Cunto isii 1½ ilaa 3 saac ee walbaba.
bac_black_mom_breastfeeding

4 ilaa 6 Bilood

  • Calooshaydu waxay qaadi kartaa ilaa 4 ilaa 6 wiiqadood (115 ilaa 170 garaam) halkii marba.
  • Waxaan u baahan doonaa inaan wax cuno 6 ilaa 8 jeer 24-kii saacba.
Xasuusnow, carruurta oo dhan waa ay kala duwan yihiin. Waxaa dhici karta inaan qadar kala duwan cuno maalinba maalinta ku xigta. Marka aan sii weynaado calooshayduna sii korto, waxaa dhici karta inaan wakhti yar wax cuno, laakiin markiiba aan wax badan cuno.

LA SOCO ASTAAMAHAYGA

Waxaan isticmaalaa dhaqdhaqaaqa jirka waxaana sameeyaa qaylo si aan kuugu sheego waxa aan doonayo. Haddii aad iga fiiriso astaamahaan, waad ii jawaabi kartaa kahor inta aanan bilaabin oohinta. Waxaa fudud inaad cuntada i siiso marka aan xasiloonahay.

“WAAN GAAJAYSANAHAY”

Marka gaajadu igu bilaabanayso, waxaan:

  • Gacmaha saarayaa afka ama meel u dhow
  • Dhaqdhaqaajiyaa lugaha iyo gacmaha
  • Samaynayaa codad wax nuugis ah
  • Dhaqaajiyaa afka ama carrabka
  • Leexiyaa madaxa ama raadiyaa naaska afkiisa (ibta)

“WAAN DHARAGSANAHAY”

Marka aan dharagsanahay, waxaan:

  • U nuugi karaa si tartiib ah ama waan joojiyaa nuugista
  • Dabcin karaa gacmaha iyo cududaha
  • Kasii jeesan karaa naaska
  • Iska kaa riixi karaa
  • Seexan karaa
  • Muujin karaa xanaaq, caro, ama in aan haraanti kugu dhufto haddii aad cuntada igu sii waddo

KORRIIN DEGDEGA AH

Inta aan korayo, jadwalkaygu waa uu isbadali karaa, waxaana laga yaabaa inaan rabo inaan cuno cunto ka badan hurdo ka badanna seexdo sidii caadiga ahayd. Arimahaan waxaa loogu yeeraa korriinka degdega ah.
Dhammaanba carruurtu waa ay kala duwan yihiin, laakiin korriinkayga degdega ah wuxuu dhici karaa marka aan marayo da’da:
newborn_back_sleeping
2 ilaa 3 todobaad
2-3 week
4 ilaa 6 todobaad
3 month
3 bilood
4 month
4 bilood
6 month
6 bilood
9-month
9 bilood
Jirkaagu wuxuu sidoo kale garan doonaa waxa aan u baahanahay wuxuuna samayn doonaa caano fara badan si uu u daboolo korriinkayga degdega ah. Hadba sida ay u badan tahay inta jeer ee aad naaska i nuujiso ama caano i siiso, waxaa sii badanaya caanaha jirkaagu samaynayo.

Haddii aan gaajo muujiyo kadib marka aan cuntada dhamaysto, mar labaad naaska i sii. Haddii aan qaadanayo masaasad, isii hal ama labo wiiqadood (30 ilaa 60 ml) oo kale.

ILA CAYAAR!

Waxaan diyaar u ahay inaan wax ka barto adiga, aniga, iyo dunida aan ku noolnahay. Waxaan rabaa inaan ogaado waxa jirkaygu samayn karo.

Ii jiifi calool-calool marka aan wada cayaarayno.

Marka aan soojeedo oo aan nasanahay, i saar buste aad dhulka ii gogashay. Fiiri sida aan lugahayga u kala bixinayo oo aan wax u laadayo una dhaqaajinayo gacmahayga. Waan sii xoojinayaa.

CAYAARTU waxay iga caawisaa inaan waxbarto, horumariyo iskudubaridka jirks, dhiso awood, wax sahmiyo, xiriirna kula lahaado!

EEG WAXA AAN SAMAYN KARO!

Waxaan si fiican wax u bartaa marka aan faraxsanahay, jacayl haysto, ammaanna ahay.
Baby_sleeping_on_Dad

Dhalashada ilaa 3 Bilood

Dunidu waa ay igu cusub tahay. Waxay noqon kartaa mid cabsi leh. Marka koowaad aad ayaan u ooyi karaa.
  • Oohintu waa qaabka aan kuugu sheegayo inaan kuu baahanahay.
  • Marka jirkeenu istaabto, waan dagayaa. Waxaan baranayaa inaad i daryeelayso.
  • Inaad i hayso akhlaaq xumo iima keenayso.
Waa inaan kala bartaa habeenka iyo maalinta.
  • Marka koowaad, waan seexanayaa, waan toosayaa wax ayaana cunayaa, kadibna hurdada ayaan ku laabanayaa inta badan. Arintani waa caadi waxayna iga caawinaysaa inaan koro.
  • Kadib marka aan 3 bilood jirsado, waxaa dhici karta inaan muddo dheer hurdo.
  • Fadlan ii dulqaado inta aan wax ka baranayo.
Waan aqaanaa codkaaga.
  • Waxaan jecelahay inaan maqlo hadalkaaga.
MomReadingToBaby

4 ilaa 6 Bilood

Waxaan bilaabayaa inaan jadwalka la qabsado.
  • Habeenkii ayaan wakhti badan seexan karaa.
Waxaan noqonayaa mid xooggan oo firfircoon.
  • Madaxa ayaan kor u xajisan karaa.
  • Waan aqaanaa magacayga marka aad sheegto.
  • Waxaan ku hadaaqayaa ba-ba-ba!
  • Waan qosli karaa.
  • Aanu cayaarno ciyaarta peek-a-boo (waji-qarsashada) iyo pat-a-cake (isla sacbinta).
Fadlan wax ii akhri.
  • Itus sawiraanta oo ii sheeg waxa ay yihiin.

IGA DHIG QOF BADBAADSAN OO CAAFIMAAD QABA

Birth-3-Months

MARWALBA ii seexi dhabarka kaligay, oo igu seexi sariirtayda ama sariirta carruurta. Waanu wadaagi karnaa qolka, laakiin ma wadaagi karno sariirta. Neefta ayaa igu dhagi karta haddii buste, barkin, ama boombale uu afka ama sanka iga daboolo.

Wash-Hands

Gacmaha dhaqo kahor inta aadan cuntada ii smaayn ama aadan i quudin.

CleaninBabysTongue

Ku nadiifi ciridkayga iyo ilkahayga maro nadiif ah, qoyan ama caday ramal jilicsan ama silicone ah oo farta lagu isticmaalo kadib marka aan wax cuno. Bilow isticmaalka cadayga jilicsan oo leh daawada lagu cadaydo ee foloraydhku ku jiro marka ugu horeysa ee iligayga koowaad iisoo baxo.

6-months-age

Sug ilaa aan ka gaarayo ilaa 6 bilood kahor inta aadan cuntada adag i siinin. Waxaan u baahanahay wakhti aan ku horumariyo nidaamkayga difaaca jirka kuna xoojiyo murqaha afkayga si aan ugu cuno una laqo cuntada si sax ah. Haddii cunto adag la i siiyo kahor inta aanan diyaar noqon, way igu margan kartaa ama waan ku xanuunsan karaa.

HA i siin cuntooyinkaan ilaa aan ka gaarayo ugu yaraan 1 sano:

Cow's Milk

Caanaha lo'da ama caanaha kale ee aan xoolaha ahayn (sida caanaha soy ama almond). Aad ayay iigu adag tahay inaan dheefshiido waxayna ii keeni kartaa dhibaatooyin caafimaad.

Honey don't use

Malabka iyo cuntooyinka malabku ku jiro. Malabka waxaa ku jiri karta bakteeriya keenta infant botulism, ama sumowga cuntada. Bakteeriyadani dhibaato uma keento carruurta waaweyn iyo dadka waaweyn.

BILAABISTA SUBAGGA LOWSKA

Haddii bixiyaha daryeelkaygu sheego inuusan dhibaato keenayn, aan iskudayo subagga lowska marka aan 6 bilood jir ahay. Samaynta sidan waxay iga caawin kartaa inaan ka hortago xasaasiyadda subagga lowska inta aan weynaanayo.
  • Subaxdii, hal qaado oo subagga lowska ah ku qas caanaha naaska ama caanaha la qaso. Jajabi oo ka dhig mid ay sahlan tahay in la laqo.
  • Isticmaal qaado si aad ugu dhadhamiso waxyaabaha aad jajabisay. Sug 10 daqiiqo, kadibna isii wax badan. Iga eeg wax falcelin xasaasiyadeed ah 2-da saacadood ee xigta.
Wixii kaalmo dheeraad ah, kala xiriir La taliyahaaga Naasnuujinta ee WIC ama Khabiirka Qaabilsan Naasnuujinta ee WIC si aad u weydiiso wixii su’aalo ah oo ku saabsan naasnuujinta.
WIC Oregon logo

Nagala soo xiriir

800 NE Oregon St, Suite 865
Portland, OR 97232
971-673-0040
www.healthoregon.org/wic

Wax badan ka Ogow

  • Sida loo codsado
  • Hel Goob caafimaad
  • Halkee ayaan ka adeegan karaa?

Adeegyada

  • Qorshaha Caafimaadka Oregon
  • Taageerada WIC ee Naasnuujinta
  • Waaxda Kahortagga Tubaakada ee Oregon
  • Oregon 211
  • Food Hero – Cuntooyinka
  • facebook
  • Youtube

USDA waxay bixisaa fursad, shaqaaleeysiin, iyo deyn loo siman yahay.

Cookie PolicySiyaasadaha Dhowrsanaanta xogta

© Brush Art Corporation

  • Email
  • SMS
If you are using multiple emails, separate them with commas.

    Side-Lying

    Side-Lying Hold

    1. For the right breast, lie on your right side with your baby facing you.
    2. Pull your baby close. Your baby’s mouth should be level with your nipple.
    3. In this position, you can cradle your baby’s back with your left arm and support yourself with your right arm and/or pillows.
    4. Keep loose clothing and bedding away from your baby.
    5. Reverse for the left breast.

    This hold is useful when:

    • You had a C-section
    • You want to rest while baby feeds
    • You are breastfeeding in the middle of the night
    • You and your baby are comfortable in this position
    cross-cradle

    Cross-Cradle Hold

    1. For the right breast, use your left arm to hold your baby’s head at your right breast and baby’s body toward your left side. A pillow across your lap can help support your left arm.
    2. Gently place your left hand behind your baby’s ears and neck, with your thumb and index finger behind each ear and your palm between baby’s shoulder blades. Turn your baby’s body toward yours so your tummies are touching.
    3. Hold your breast as if you are squeezing a sandwich. To protect your back, avoid leaning down to your baby. Instead, bring your baby to you.
    4. As your baby’s mouth opens, push gently with your left palm on baby’s head to help them latch on. Make sure you keep your fingers out of the way.
    5. Reverse for the left breast.

    This hold is useful when:

    • Your baby is premature
    • Your baby has a weak suck
    • Your baby needs help to stay latched
    • Your baby needs extra head support
    • You and your baby are comfortable in this position
    Football

    Clutch or “Football” Hold

    1. For the right breast, hold your baby level, facing up, at your right side.
    2. Put your baby’s head near your right nipple and support their back and legs under your right arm.
    3. Hold the base of your baby’s head with your right palm. A pillow underneath your right arm can help support your baby’s weight.
    4. To protect your back, avoid leaning down to your baby. Bring baby to you instead.
    5. Reverse for the left breast.

    This hold is useful when:

    • You had a C-section
    • You have large breasts
    • You have flat or inverted nipples
    • You have a strong milk let-down
    • You are breastfeeding twins
    • Your baby likes to feed in an upright position
    • Your baby has reflux
    • You and your baby are comfortable in this position
    CRADLE hold

    Cradle Hold

    1. For the right breast, cradle your baby with your right arm. Your baby will be on their left side across your lap, facing you at nipple level.
    2. Your baby’s head will rest on your right forearm with your baby’s back along your inner arm and palm.
    3. Turn your baby’s tummy toward your tummy. Your left hand is free to support your breast, if needed. Pillows can help support your arm and elbow.
    4. To protect your back, avoid leaning down to your baby. Instead, bring your baby to you.
    5. Reverse for the left breast.

    This hold is useful when:

    • Your baby needs help latching on
    • You and your baby are comfortable in this position
    laid-back

    Laid-Back Hold

    1. Lean back on a pillow with your baby’s tummy touching yours and their head at breast level. Some moms find that sitting up nearly straight works well. Others prefer to lean back and lie almost flat.
    2. You can place your baby’s cheek near your breast, or you may want to use one hand to hold your breast near your baby. It’s up to you and what you think feels best.
    3. Your baby will naturally find your nipple, latch, and begin to suckle.

    This hold is useful when:

    • Your baby is placed on your chest right after birth
    • You have a strong milk let-down
    • You have large breasts
    • You and your baby are comfortable in this position