AABAHA QAALIGA AHOW,
Aabaha ku taxaluqa wuxuu muhiim u yahay nolosha ilmaha ee bilaha iyo sanadaha hore.
Xataa markii aabuhu ku nool yahay meel aan guriga ahayn, carruurta haysata aabayaal ku taxaluqa waxay u koraan carruur iyo dad waaweyn oo caafimaad qaba, faraxsan, oo aadna u guulaysta. Ilmuhu waxay u baahan yihiin inay xiriir adag la yeeshaan waalidiintooda, taasina micnaha waa aabaha, sidoo kale.
In guriga ilmo cusub la keeno waxay isbadal weyn ku keenaysaa qof walba. Waxaa jira qaabab badan oo aabuhu gacan uga gaysan karo taageerada hooyada iyo ilmaha marka ay guriga yimaadaan oo ay isbitaalka kasoo baxaan.
Jirka hooyadu wuxuu maraa isbadalo fara badan xilliga ay uurka leedahay. Waxay ku qaadan kartaa wakhti in xaaladeedu caadi kusoo noqoto. Noqo mid wanaagsan, dulqaad leh, oo taageera.
YAREE DADKA IDIN SOO BOOQANAYA
Ka fogee dadka xanuunsan canugaaga.HOWLAHA GURIGA EE MAALINLAHA AH
Ka caawi cunto karinta, nadiifinta, iyo dhardhaqista.KA WARHAY HOOYADA
Haddii ay dareemayso niyadjab ama welwel, ku dhiirigali oo ku taageer sidii ay kaalmo u raadsan lahayd.Haddii adiga ama hooyada canugaagu aad welwel qabtaan, aad dareemaysaan niyadjab, ama aad ku fakaraysaan inaad naftiina waxyeeshaan ama canugiina, islamrkiiba caawimaad raadsada. Kala hadal bixiyahaaga daryeelka caafimaadka. Niyadjabka aan la daaweyn wuxuu ku adag yahay canugaaga, qoyskaaga, iyo adigaba.
Wac 1-800-273-8255 si aad u hesho taageero shucuureed oo bilaash ah qarsoodina ah 24 saac ee maalintii, 7 maalmood todobaadki.
Wakhti tayo leh la qaado carruurtaada waaweyn adiga oo ka caawinaya soo qaadashada xafaayadda, u dhoolacadaynaya, ama canug wax u akhrinaya.
TAAGEERADA NAASNUUJINTA
Naasnuuujintu waa qaabka ugu wanaagsan ee aad canugaaga nafaqo ku siin karto. Waxaa dhici karta inaysan marka ugu horeysa aysan fududayn sidaa darteed sii hooyada dhiirigalin iyo taageero fara badan.
- Ilmaha dhashay waxay naaska nuugaan maalintii iyo habeenkii oo dhan ku dhawaad 8 ilaa 12 jeer 24-kii saacadoodba. Jadwal malahan waxayna jecel yihiin in mar walba wax la siiyo.
- Ilmaha intooda badan waxay miisaanka lumiyaan todobaadka ugu horeeya noloshooda, arrintani waa caadi. Haddii ilmahaagu had iyo jeer wax quudanayo, wuxuu miisaankiisii uu ku dhashay dib usoo ceshanayaa 14 maalmood marka uu joogo.
- Sii hooyada biyo iyo cunto caafimaad qabta. U dhig macmacaanka sida buskutka subagga lowska, granola bars, iyo miraha meel u dhow hooyada.
- Haddii hooyadu caanaha iska lisayso, caawi adiga oo dhaqaya jeermiskana ka dilaya dhalooyinka iyo waxyaabaha caanaha lagu liso.
WIC waxay halkaan u joogtaa inay ku caawiso. Wac wixii su’aalo ah ama taageero dheeraad ah oo ku saabsan naasnuujinta.
WAA MAXAY SABABTA NAASNUUJINTU?
3 kamid ah 4-tii canug ee ku dhalata Oregon ayaa la naasnuujiyaa.
Carruurta naaska la nuujiyo inta badan ma xanuunsadaan.
Waa bilaash!
Waa mid haboon (masaasado ma leh, isku dhexyaac maleh, mar kastana waa diyaar).
Hooyooyinka carruurta naasnuujiya waa kuwo caafimaad qaba.
DILQIDDA – DAACADA – XAFAAYADAHA WASAKHDA AH
In caanaha naaska ama kuwa la qaso galaan caloosha ilmahaagu waa mid ku cusub. Carruurtu waxay dilqaan waxyar waxayna ubaahan yihiin daaco yar marka ay weynaadaan.
DILQIDDA
- Dilqidu waxay noqon kartaa mid carruurta oo dhami ay sameeyaan.
- Carruurtu wax badan ma dilqaan haddii ay xaaladoodu degan tahay marka ay wax cunaan.
- Carruurtu wax badan ma dilqaan marka ay wax cunista joojiyaan oo ay dharagsan yihiin. Raac tilmaamaha gaajada ee canugaaga si aad uga caawiso yaraynta dilqidda.
- Ka danbaysii mar kasta oo aad wax siiso 30 daqiiqo oo aad kor u haynayso.
La hadal Khabiirka nafaqada ee WIC ama bixiyahaaga daryeelka caafimaadka haddii aad ka walaacsan tahay qadarka canugaagu soo dilqayo mar walba oo aad wax siiso.
DAACADA
- Ilmuhu waxay laqaan hawo marka ay wax cunayaan. Haddii ay hawo fara badan laqaan, waxay u baahanayaan inay daacaan.
- Sug ilaa ay ka joojinayaan wax cunista si ay u daacaan.
- Calooshooda xabadkaaga ku qabo ama laabta geli oo si dabacsan u salaax ama u xoq dhabarkooda.
XAFAAYADAHA WASAKHDA AH
Noqo halyey, ka badal xafaayadda!
Carruurta la naasnuujiyo:
- Xafaayadaha ilmahaaga naaska nuugaya waxay iska badalaan cagaar madow ah waxayna isu badalaan jaalle xigeen, jilicsan, iyo muuqaal foolxun todobaadka koowaad. Maalmaha hore ilaa bisha koowaad, xafaayaduhu waxay u ekaan karaan jaantuskaan.
Ilmaha la naasnuujiyo iyo kuwa caanaha la qaso la siiyo muddo bil ah:
- Ilmuhu waa ay taahi wajigooduna wuxuu isu badali guduud marka ay saxaroonayaan.
- Ilmaha qaar ayaa saxarooda hal ama laba jeer maalintii.
- Mararka qaarkood ma saxaroodaan hal ilaa laba maalmood. Arrintani waa caadi.
Haddii aad ka walaacsan tahay xafaayadaha qoyan ee ilmahaaga, wac bixiyaha daryeelkaaga caafimaadka ama xaafiiska WIC ee deegaankaaga.
Da'da Canugga | Qoyaan | Saxaro |
---|---|---|
Maalinta 1aad |
|
|
Maalinta 2aad |
|
|
Maalinta 3aad |
|
|
*Maalinta 4+ |
|
|
*Qadarkani wuxuu sii jirayaa bisha koowaad ama kasii badan.
Midabka saxaradu wuxuu isbadalayaa bisha koowaad.

Da'da Canugga | Qoyaan | Saxaro |
---|---|---|
Maalinta 1aad |
|
|
Maalinta 2aad |
|
|
Maalinta 3aad |
|
|
*Maalinta 4+ |
|
|
*Qadarkani wuxuu sii jirayaa bisha koowaad ama kasii badan.
Midabka saxaradu wuxuu isbadalayaa bisha koowaad.
WAKHTIGA ILMUHU AABAHA LA QAADANAYO
Wakhtiga caloosha!
In ilmuhu calool-calool u jiifsado waxay ka caawinaysaa in murqaha luqunta iyo garbuhu u xogaystaan. Uga dhig jimicsigiisa maalilaha ah inta uu isu diyaarinayo soc-socodka weyn sida galgalashada, fadhiga, iyo guurguurashada.
- Dhulka uga tag canugaaga dhowr daqiiqo maalin walba.
- Ku abaalmari dhoolacadayn iyo waji furan marka uu madaxa kor usoo qaado.
La cayaar peekaboo (ciyaarta waji qarsashada).
La hadal oo wajiga farxad uga muuji marka aad xafaayadda ka badalayso.
La soc-soco.
Firfircooni siinta—in guriga laga soo baxo qof walba ayay u wanaagsan tahay!
Wakhti ku bixi inaad wax u akhriso lana hadasho canugaaga.
Maskaxdiisu waxay baranaysaa ereyo cusub maalin walba, xataa laga bilaabo maalinka uu dhasho.
ILAALI BADQABKA CANUGAAGA
TALLAALADA
Waa muhiim inaad canugaaga gayso dhammaanba ballamaha caafimaadka aadna u dhammaystirto tallaalada oo dhan. Booqo https://www.cdc.gov/vaccines/ si aad u hesho macluumaadka xilliga tallaalka canugaaga.
BADQABKA BIYAHA
Mar walba la joog canugaaga marka uu ku jiro saxanka qabayska ama uu u dhow yahay biayaha.
ILAALI ILKAHA CANUGGA
Ku nadiifi ciridka iyo ilkaha ilmahaaga maro nadiif ah, qoyan ama caday ramal jilicsan ama silicone ah oo farta lagu isticmaalo kadib marka uu wax cuno. Bilow isticmaalka cadayga jilicsan oo leh daawada lagu cadaydo ee foloraydhku ku jiro marka ugu horeysa ee ilkaha koowaad usoo baxaan.
KURAASTA GAWAARIDA
- Ku xir kursiga badbaadada canuga kahor inta aadan gaariga saarin.
- Baro sida kursiga loogu rakibo suunkana loogu xiro canugaaga si sax ah.
- Ka saar canugaaga kursiga gaariga marka aad meeshaad u socotay soo gaarto, khaasatan hadii uu hurdo.
- Goobaha, booska, iyo nooca kursiga gaarigu waa isbadalayaan inta canugaagu korayo.
U SEEXINTA SI BADBAADO AH
Mar walba canugaaga ka caawi inuu dhabarka u seexdo kuna seexdo firaash adag oo aan lahayn buste iyo barkin toona.
American Academy of Pediatrics wuxuu ku talinayaa in ilmuhu qolka la seexdaan waalidkooda ayaga oo laba goglood ku kala seexanaya ilaa ay ka gaarayaan sannad guurada koowaad ee dhalashadooda.
Canugaagu adiga ayuu kugu tiirsan yahay si uu caafimaad u helo uguna baaqi ahaado
- Ha ku isticmaalin daroogo, khamri, ama sigaar gurigaaga ama meel u dhow canugga.
- Haddii aad banaanka sigaar kusoo cabto, iska saar dharka kore ama dharka iska badal kahor inta aadan canugaaga qaban.
- Si ad u hesho iska dhaafista maandooriyaha, oo ay ku jiraan tababar, qorshaha iska dhaafista oo bilaash ah, agab waxbarasho oo bilaash ah, iyo ku xirmista adeegyada maxalliga ah, wac 1-800-QUIT-NOW (1-800-784-8669)
ILAHA AABONIMADA
Qaranka
Hindisaha Aabonimada Qaranka
Xarunta Aabonimada Masuulka ah ee Qaranka
Ka eeg barnaamijyada hindisaha aabonimada barnaamijka Head Start (Garab Qabashada) ee deegaankaaga ama nidaamka dugsiga.
