Skip to Content Skip to Footer
WIC Oregon logo
WIC Oregon logo
  • Guriga
  • Dumarka
  • Dhallaanka
  • Carruurta
  • Aabeyaasha
  • Somali (Soomaali)
    • English (English)
    • Spanish (Español)
    • Russian (Русский)
    • Ukrainian (українська)
    • Vietnamese (Tiếng Việt)
    • Chinese (中國人)
    • Arabic (العربية)
    • Dari (از)

Hagaha Aabaha ee DARYEELKA ILMAHA MARKAAS DHASHAY

  • Guriga
  • Aabeyaasha
  • Hagaha Aabaha ee Daryeelka Ilmaha markaas dhashay
Supergraphic green
  • Aabaha Qaaliga Ahow
  • Taageerada Naasnuujinta
  • DILQIDDA – Daacada – Xafaayadaha Wasakhda ah
  • Wakhtiga Ilmuhu Aabaha la Qaadanayo
  • Ilaali Badqabka Canugaaga
  • Ilaha Aabonimada

AABAHA QAALIGA AHOW,

Aabaha ku taxaluqa wuxuu muhiim u yahay nolosha ilmaha ee bilaha iyo sanadaha hore.

Xataa markii aabuhu ku nool yahay meel aan guriga ahayn, carruurta haysata aabayaal ku taxaluqa waxay u koraan carruur iyo dad waaweyn oo caafimaad qaba, faraxsan, oo aadna u guulaysta. Ilmuhu waxay u baahan yihiin inay xiriir adag la yeeshaan waalidiintooda, taasina micnaha waa aabaha, sidoo kale. 

In guriga ilmo cusub la keeno waxay isbadal weyn ku keenaysaa qof walba. Waxaa jira qaabab badan oo aabuhu gacan uga gaysan karo taageerada hooyada iyo ilmaha marka ay guriga yimaadaan oo ay isbitaalka kasoo baxaan.

Jirka hooyadu wuxuu maraa isbadalo fara badan xilliga ay uurka leedahay. Waxay ku qaadan kartaa wakhti in xaaladeedu caadi kusoo noqoto. Noqo mid wanaagsan, dulqaad leh, oo taageera.

LIMIT VISITORS

YAREE DADKA IDIN SOO BOOQANAYA

Ka fogee dadka xanuunsan canugaaga.
DAILY CHORES

HOWLAHA GURIGA EE MAALINLAHA AH

Ka caawi cunto karinta, nadiifinta, iyo dhardhaqista.
CHECK UP ON MOM

KA WARHAY HOOYADA

Haddii ay dareemayso niyadjab ama welwel, ku dhiirigali oo ku taageer sidii ay kaalmo u raadsan lahayd.
Quarter-filled bar graph symbol
Niyadjabku wuxuu saameeyaa 25% aabayaasha xilliga xaaskoodu uurka leedahay ama sannadka koowaad marka canuga uu dhasho.

Haddii adiga ama hooyada canugaagu aad welwel qabtaan, aad dareemaysaan niyadjab, ama aad ku fakaraysaan inaad naftiina waxyeeshaan ama canugiina, islamrkiiba caawimaad raadsada. Kala hadal bixiyahaaga daryeelka caafimaadka. Niyadjabka aan la daaweyn wuxuu ku adag yahay canugaaga, qoyskaaga, iyo adigaba.

Wac 1-800-273-8255 si aad u hesho taageero shucuureed oo bilaash ah qarsoodina ah 24 saac ee maalintii, 7 maalmood todobaadki.

Wakhti tayo leh la qaado carruurtaada waaweyn adiga oo ka caawinaya soo qaadashada xafaayadda, u dhoolacadaynaya, ama canug wax u akhrinaya.

TAAGEERADA NAASNUUJINTA

Naasnuuujintu waa qaabka ugu wanaagsan ee aad canugaaga nafaqo ku siin karto. Waxaa dhici karta inaysan marka ugu horeysa aysan fududayn sidaa darteed sii hooyada dhiirigalin iyo taageero fara badan.

  • Ilmaha dhashay waxay naaska nuugaan maalintii iyo habeenkii oo dhan ku dhawaad 8 ilaa 12 jeer 24-kii saacadoodba. Jadwal malahan waxayna jecel yihiin in mar walba wax la siiyo.
  • Ilmaha intooda badan waxay miisaanka lumiyaan todobaadka ugu horeeya noloshooda, arrintani waa caadi. Haddii ilmahaagu had iyo jeer wax quudanayo, wuxuu miisaankiisii uu ku dhashay dib usoo ceshanayaa 14 maalmood marka uu joogo.
  • Sii hooyada biyo iyo cunto caafimaad qabta. U dhig macmacaanka sida buskutka subagga lowska, granola bars, iyo miraha meel u dhow hooyada.
  • Haddii hooyadu caanaha iska lisayso, caawi adiga oo dhaqaya jeermiskana ka dilaya dhalooyinka iyo waxyaabaha caanaha lagu liso.

WIC waxay halkaan u joogtaa inay ku caawiso. Wac wixii su’aalo ah ama taageero dheeraad ah oo ku saabsan naasnuujinta.

WAA MAXAY SABABTA NAASNUUJINTU?

3 kamid ah 4-tii canug ee ku dhalata Oregon ayaa la naasnuujiyaa.

Gold star symbol

Carruurta naaska la nuujiyo inta badan ma xanuunsadaan.

Currency icon representing USD

Qiimaha hoose!

“

Waa mid haboon (masaasado ma leh, isku dhexyaac maleh, mar kastana waa diyaar).

heart icon

Hooyooyinka carruurta naasnuujiya waa kuwo caafimaad qaba.

DILQIDDA – DAACADA – XAFAAYADAHA WASAKHDA AH

In caanaha naaska ama kuwa la qaso galaan caloosha ilmahaagu waa mid ku cusub. Carruurtu waxay dilqaan waxyar waxayna ubaahan yihiin daaco yar marka ay weynaadaan.

DILQIDDA

  • Dilqidu waxay noqon kartaa mid carruurta oo dhami ay sameeyaan.
  • Carruurtu wax badan ma dilqaan haddii ay xaaladoodu degan tahay marka ay wax cunaan.
  • Carruurtu wax badan ma dilqaan marka ay wax cunista joojiyaan oo ay dharagsan yihiin. Raac tilmaamaha gaajada ee canugaaga si aad uga caawiso yaraynta dilqidda.
  • Ka danbaysii mar kasta oo aad wax siiso 30 daqiiqo oo aad kor u haynayso.

La hadal Khabiirka nafaqada ee WIC ama bixiyahaaga daryeelka caafimaadka haddii aad ka walaacsan tahay qadarka canugaagu soo dilqayo mar walba oo aad wax siiso.

DAACADA

  • Ilmuhu waxay laqaan hawo marka ay wax cunayaan. Haddii ay hawo fara badan laqaan, waxay u baahanayaan inay daacaan.
  • Sug ilaa ay ka joojinayaan wax cunista si ay u daacaan.
  • Calooshooda xabadkaaga ku qabo ama laabta geli oo si dabacsan u salaax ama u xoq dhabarkooda.

XAFAAYADAHA WASAKHDA AH

Noqo halyey, ka badal xafaayadda!

Carruurta la naasnuujiyo:

  • Xafaayadaha ilmahaaga naaska nuugaya waxay iska badalaan cagaar madow ah waxayna isu badalaan jaalle xigeen, jilicsan, iyo muuqaal foolxun todobaadka koowaad. Maalmaha hore ilaa bisha koowaad, xafaayaduhu waxay u ekaan karaan jaantuskaan.

Ilmaha la naasnuujiyo iyo kuwa caanaha la qaso la siiyo muddo bil ah:

  • Ilmuhu waa ay taahi wajigooduna wuxuu isu badali guduud marka ay saxaroonayaan.
  • Ilmaha qaar ayaa saxarooda hal ama laba jeer maalintii.
  • Mararka qaarkood ma saxaroodaan hal ilaa laba maalmood. Arrintani waa caadi.

Haddii aad ka walaacsan tahay xafaayadaha qoyan ee ilmahaaga, wac bixiyaha daryeelkaaga caafimaadka ama xaafiiska WIC ee deegaankaaga.

Da'da Canugga Qoyaan Saxaro
Maalinta 1aad
Maalinta 2aad
Maalinta 3aad
*Maalinta 4+

*Qadarkani wuxuu sii jirayaa bisha koowaad ama kasii badan.

Midabka saxaradu wuxuu isbadalayaa bisha koowaad.

Father caring for baby during diaper change
Da'da Canugga Qoyaan Saxaro
Maalinta 1aad
Maalinta 2aad
Maalinta 3aad
*Maalinta 4+

*Qadarkani wuxuu sii jirayaa bisha koowaad ama kasii badan.

Midabka saxaradu wuxuu isbadalayaa bisha koowaad.

WAKHTIGA ILMUHU AABAHA LA QAADANAYO

Wakhtiga caloosha!

In ilmuhu calool-calool u jiifsado waxay ka caawinaysaa in murqaha luqunta iyo garbuhu u xogaystaan. Uga dhig jimicsigiisa maalilaha ah inta uu isu diyaarinayo soc-socodka weyn sida galgalashada, fadhiga, iyo guurguurashada.

  • Dhulka uga tag canugaaga dhowr daqiiqo maalin walba.
  • Ku abaalmari dhoolacadayn iyo waji furan marka uu madaxa kor usoo qaado.

La cayaar peekaboo (ciyaarta waji qarsashada).

La hadal oo wajiga farxad uga muuji marka aad xafaayadda ka badalayso.

La soc-soco.

Firfircooni siinta—in guriga laga soo baxo qof walba ayay u wanaagsan tahay!

Wakhti ku bixi inaad wax u akhriso lana hadasho canugaaga.

Maskaxdiisu waxay baranaysaa ereyo cusub maalin walba, xataa laga bilaabo maalinka uu dhasho.

ILAALI BADQABKA CANUGAAGA

TALLAALADA

Waa muhiim inaad canugaaga gayso dhammaanba ballamaha caafimaadka aadna u dhammaystirto tallaalada oo dhan. Booqo https://www.cdc.gov/vaccines/ si aad u hesho macluumaadka xilliga tallaalka canugaaga.

BADQABKA BIYAHA

Mar walba la joog canugaaga marka uu ku jiro saxanka qabayska ama uu u dhow yahay biayaha.

ILAALI ILKAHA CANUGGA

Ku nadiifi ciridka iyo ilkaha ilmahaaga maro nadiif ah, qoyan ama caday ramal jilicsan ama silicone ah oo farta lagu isticmaalo kadib marka uu wax cuno. Bilow isticmaalka cadayga jilicsan oo leh daawada lagu cadaydo ee foloraydhku ku jiro marka ugu horeysa ee ilkaha koowaad usoo baxaan.

KURAASTA GAWAARIDA

  • Ku xir kursiga badbaadada canuga kahor inta aadan gaariga saarin.
  • Baro sida kursiga loogu rakibo suunkana loogu xiro canugaaga si sax ah.
  • Ka saar canugaaga kursiga gaariga marka aad meeshaad u socotay soo gaarto, khaasatan hadii uu hurdo.
  • Goobaha, booska, iyo nooca kursiga gaarigu waa isbadalayaan inta canugaagu korayo.

U SEEXINTA SI BADBAADO AH

Mar walba canugaaga ka caawi inuu dhabarka u seexdo kuna seexdo firaash adag oo aan lahayn buste iyo barkin toona.

American Academy of Pediatrics wuxuu ku talinayaa in ilmuhu qolka la seexdaan waalidkooda ayaga oo laba goglood ku kala seexanaya ilaa ay ka gaarayaan sannad guurada koowaad ee dhalashadooda.

Canugaagu adiga ayuu kugu tiirsan yahay si uu caafimaad u helo uguna baaqi ahaado

  • Ha ku isticmaalin daroogo, khamri, ama sigaar gurigaaga ama meel u dhow canugga.
  • Haddii aad banaanka sigaar kusoo cabto, iska saar dharka kore ama dharka iska badal kahor inta aadan canugaaga qaban.
  • Si ad u hesho iska dhaafista maandooriyaha, oo ay ku jiraan tababar, qorshaha iska dhaafista oo bilaash ah, agab waxbarasho oo bilaash ah, iyo ku xirmista adeegyada maxalliga ah, wac 1-800-QUIT-NOW (1-800-784-8669)

ILAHA AABONIMADA

Qaranka

Hindisaha Aabonimada Qaranka

www.fatherhood.org

Xarunta Aabonimada Masuulka ah ee Qaranka

www.fatherhood.gov

Ka eeg barnaamijyada hindisaha aabonimada barnaamijka Head Start (Garab Qabashada) ee deegaankaaga ama nidaamka dugsiga.

Happy baby lying on tummy
WIC Oregon logo

Nagala soo xiriir

800 NE Oregon St, Suite 865
Portland, OR 97232
971-673-0040
www.healthoregon.org/wic

Wax badan ka Ogow

  • Sida loo codsado
  • Hel Goob caafimaad
  • Halkee ayaan ka adeegan karaa?

Adeegyada

  • Qorshaha Caafimaadka Oregon
  • Taageerada WIC ee Naasnuujinta
  • Waaxda Kahortagga Tubaakada ee Oregon
  • Oregon 211
  • Food Hero – Cuntooyinka
  • facebook
  • Youtube

USDA waxay bixisaa fursad, shaqaaleeysiin, iyo deyn loo siman yahay.

Cookie PolicySiyaasadaha Dhowrsanaanta xogta

© Brush Art Corporation

Share

  • Email
  • SMS
If you are using multiple emails, separate them with commas.

    Side-Lying

    Side-Lying Hold

    1. For the right breast, lie on your right side with your baby facing you.
    2. Pull your baby close. Your baby’s mouth should be level with your nipple.
    3. In this position, you can cradle your baby’s back with your left arm and support yourself with your right arm and/or pillows.
    4. Keep loose clothing and bedding away from your baby.
    5. Reverse for the left breast.

    This hold is useful when:

    • You had a C-section
    • You want to rest while baby feeds
    • You are breastfeeding in the middle of the night
    • You and your baby are comfortable in this position
    cross-cradle

    Cross-Cradle Hold

    1. For the right breast, use your left arm to hold your baby’s head at your right breast and baby’s body toward your left side. A pillow across your lap can help support your left arm.
    2. Gently place your left hand behind your baby’s ears and neck, with your thumb and index finger behind each ear and your palm between baby’s shoulder blades. Turn your baby’s body toward yours so your tummies are touching.
    3. Hold your breast as if you are squeezing a sandwich. To protect your back, avoid leaning down to your baby. Instead, bring your baby to you.
    4. As your baby’s mouth opens, push gently with your left palm on baby’s head to help them latch on. Make sure you keep your fingers out of the way.
    5. Reverse for the left breast.

    This hold is useful when:

    • Your baby is premature
    • Your baby has a weak suck
    • Your baby needs help to stay latched
    • Your baby needs extra head support
    • You and your baby are comfortable in this position
    Football

    Clutch or “Football” Hold

    1. For the right breast, hold your baby level, facing up, at your right side.
    2. Put your baby’s head near your right nipple and support their back and legs under your right arm.
    3. Hold the base of your baby’s head with your right palm. A pillow underneath your right arm can help support your baby’s weight.
    4. To protect your back, avoid leaning down to your baby. Bring baby to you instead.
    5. Reverse for the left breast.

    This hold is useful when:

    • You had a C-section
    • You have large breasts
    • You have flat or inverted nipples
    • You have a strong milk let-down
    • You are breastfeeding twins
    • Your baby likes to feed in an upright position
    • Your baby has reflux
    • You and your baby are comfortable in this position
    CRADLE hold

    Cradle Hold

    1. For the right breast, cradle your baby with your right arm. Your baby will be on their left side across your lap, facing you at nipple level.
    2. Your baby’s head will rest on your right forearm with your baby’s back along your inner arm and palm.
    3. Turn your baby’s tummy toward your tummy. Your left hand is free to support your breast, if needed. Pillows can help support your arm and elbow.
    4. To protect your back, avoid leaning down to your baby. Instead, bring your baby to you.
    5. Reverse for the left breast.

    This hold is useful when:

    • Your baby needs help latching on
    • You and your baby are comfortable in this position
    laid-back

    Laid-Back Hold

    1. Lean back on a pillow with your baby’s tummy touching yours and their head at breast level. Some moms find that sitting up nearly straight works well. Others prefer to lean back and lie almost flat.
    2. You can place your baby’s cheek near your breast, or you may want to use one hand to hold your breast near your baby. It’s up to you and what you think feels best.
    3. Your baby will naturally find your nipple, latch, and begin to suckle.

    This hold is useful when:

    • Your baby is placed on your chest right after birth
    • You have a strong milk let-down
    • You have large breasts
    • You and your baby are comfortable in this position